Ciidamada Somaliland oo soo bandhigay Tikniko iyo Gaadiidka Gaashaaman ee laga furtay Ciidamadii Duullaanka soo qaaday ee Puntland

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Baarlamaanka, wasiiro iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka ayaa gaadhay Jiidda hore ee Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland oo shalay dagaalku ka dhacay, waxaana halkaas lagu soo bandhigay Gaadiid Tikniko iyo Hubka noocyadiisa kala duwan oo laga qabtay ciidamada Maamul-goboleedkaas oo gelinkii hore ee shalay weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidanka qaranka ee deegaanka Tukaraq.

Masuuliyiinta oo socdaalkoodu yahay mid la xidhiidha xogo-gaal u noqoshada xaaladda iyo taageero ay u muujinayaan Ciidamada, ayaa halkaas hadallo dhiirri-gelin ah uga jeediyey Milatariga Somaliland.

MUUQAALLADAN HOOSE WAA TIKNIKADA IYO BAABUURTA GAASHAAMAN EE LAGA QABSADAY CIIDAMADA MAAMUL-GOBOLEEDKA PUNTLAND.

gaadiidka laga furtay puntland (4)

gaadiidka laga furtay puntland (2)

gaadiidka laga furtay puntland (6)

gaadiidka laga furtay puntland (7)

gaadiidka laga furtay puntland (5)

gaadiidka laga furtay puntland (3)

gaadiidka laga furtay puntland (8)