Ciidamada Ruusha Oo Sheegay Inay 25 Weerar Ka Fuliyeen Tudamir Si Ay Ciidamada Suuriya U Caawiyaan

Ruushka(Slpost)-Maamulka Ruushka waxa uu sheegayaa in diyaaradohooda dagaalka ay 25 weerar ka fuliyeen dalka Suuriya.

Duqeymahaasi ayey sheegayaan inay ku caawinayeen ciidamada dowladda Suuriya oo weerar ku qaaday magaalada Tudamir (Palmyra).

Magaaladaasi waxaa gacanta ku haya kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

Xubin ka tirsan waaxda difaaca ee Ruushka waxa uu sheegay in ciidamada Suuriya ay ku dhow yihiin inay magaaladaasi dib u qabsadaan.

In magaaladan qadiimiga ah ay gacanta u gasho Daacish sanadkii tagay, waxa ay lama filaan ku noqotay caalamka.

Waxaa Tudamir (Palmyra) ku yaalla qaar kamid ah dhismayaasha ugu qadiimisan bariga dhexe iyo caalamka.

Markaasi kaddib Daacish waxay dumisay macbadyo taariikheed, iyo dhismayaal kale oo ku yaalay magaaladaasi.

Kooxda waxa ay sheegatay inay dishay shan askeri oo Ruushka u dhashay oo dhowaantan ay kula dagaallameen meel u dhow Tudamir, laakiin ma jirto cid si madax banaan u xaqiijisay.