Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Fashiliyey Weerarro Lagu Soo qaaday Fadhiisimada Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa iska difaacay  weerar qorsheysan oo subaxnimadii hore ee Saaka ay ku soo qaadeen “Kooxo argagixiso ah”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo isaga iyo xubno kale oo wasiirro ah ku sugan yihiin Laascaanood, ayaa sheegay sheegay in jihooyin kala duwan kooxaha argagixisada ahi weerarrada kaga qaadeen fadhiisamada ciidamada Qaranka ee magaalada Laascaanood.

Wasiirku waxa uu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland jawaab adag ka bixiyeen weerarkaas isla markaana ay gaadhsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isagoo dhanka kale xusay in khasaare dhimasho soo gaadheen ciidanka qaranka.

Advertisement

Wasiirka ayaa baaq u diray bulshada kuna baraarujiyey inay ilaashadaan nabadgalyadooda isla markaana meel uga soo wada jeedsadaan cid kasta oo khalkhal iyo burbur galinaysa magaalada Laascaanood.

Maalmihii u dambeeyey waxa magaalada Laascaanood ka socday Shir ay isugu yimaaddeen Garaaddada gobollada Buuhoodle iyo Sool, kuwaas oo xukuumaddu u oggolaatay inay magaalada soo galaan Garaaddada qaarkood oo muddo 15 sanno ah ka maqnaa magaaladas, waxaanay xukuumaddu tallaabada u samaysay kaddib markii Garaaddada qaarkood iclaamiyeen dagaal ka dhan dowladda Somaliland.

Isniinta Saaka ayaa laga war-sugayey go’aamo ka soo baxa Shirka oo muddo toddobaad ah ka socday magaalada Laascaanood, haseyeeshee, waxa go’aamada shirka ka soo horeeeyey weerarka ay subaxnimadii hore ee Saaka ku soo qaadeen malleeshiyaad ay xukuumaddu ku tilmaantay inay yihiin argagixiso maalmihii u dambeeyey si is-daba joog ah u soo galayey magaalada iyo ciidan-beeleedyo ay wateen Garaaddada shirku uga socday magaalada oo qaarkood lagu tilmaamay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagixisada ah.

Follow us On