Ciidamada Qaranka Somaliland oo Dabbaal-degga Sannad-guuradooda 19aad loogu Wanqalay Derejooyinka loo Xidhay Saraakiisha Sar-Sare

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Qaranka Somaliland oo maanta ay ku beegan tahay sannad-guuradoodii 19aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay, ayaa markii u horreysay loo sameeyey derejooyin loo xidhay Saraakiisha u sarreysay ee ciidamada Kala Duwan ee Dalka.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (10)Saraakiisha maanta loo xidhay derejooyinka oo isugu jira ciidamada Asluubta, Booliska iyo Milatariga, ayaa munaasibad ballaadhan oo maanta lagu xusayey sannad-guurada ciidamada Milatariga oo sannad walba la qabto 2-da February, waxa kala soo qayb-galay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo derejooyinka ku taxay saraakiisha ciidamada kala duwan.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (11)Munaasabadda Xuskaasi oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee magaaladda Hargaysa ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay sadexda Gole Qaran, taliyayaasha Ciidamadda Somaliland, saraakiisha sarsare ee Ciidamada , mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (9)Madaxweynaha Somaliland ayaa munaasabadas gudaheeda waxuu markii ugu horaysay tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii uu halkaa derejada sarkaalnimada oo kala heer ah ugu xidhay 12 sarkaal oo ka kala tirsan Afarta nooc ee ciidamada ee kala ah Ciidanka qaranka , Ciidanka Booliska Somaliland, Ciidanka asluubta iyo Ciidanka ilaalada Xeebaha.

1)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa laga dhigay Derejada Sarreeye Gaas 

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (8)
Taliyaha Ciidanka Milatariga

2)- Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa laga dhigay derejada Sarreeye Guuto.

Taliyaha Ciidanka Booliska
Taliyaha Ciidanka Booliska

3)- Taliyaha Ciidanka asluubta Maxamed Xuseen (Xiirane) ayaa laga siiyey Derejada Sarreeye Guuto.

Taliyaha Ciidanka Asluubta
Taliyaha Ciidanka Asluubta

4)-Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Cismaan Xasan ayaa laga Siiyey Derejada Sarreeye Guuto.

Taliyaha Ilaalada Xeebaha
Taliyaha Ilaalada Xeebaha

5)-Abaanduulayaasha koowaad iyo labaad ee Ciidanka Qaranka iyo taliyeyaal ku xigeenadda koobaad iyo labaad ee ciidanka Booliska Somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Sareeye guuto.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (1)6)- Taliyayaal ku xigeenada koowaad iyo labaad ee ciidanka asluubta Somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Gaashaanle sare.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (5)Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasabaadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ilaahay ugu mahad-naqayo in xukuumadiisu noqoto tii ugu horaysay Somaliland ee bixisa derejooyinka ciidamada, isagoo ku tilmaamay ciidamadu inay yihiin tiir dhexaadka uu qaran leeyahay, loona baahan yahay in mar kasta ay dhiirrigelin ka helaan dawlad iyo shacabba.

Xuska Ciidamada_Derejooyinka (6)Xuska Ciidamada_Derejooyinka (2)Xuska Ciidamada_Derejooyinka (11)SOMALILANDPOST.NET