Ciidamada Milatariga Ethiopia oo Xidhay Xuduudka Tog-wajaale ee u dhexeeya Somaliland iyo Saamaynta ka dhalatay

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Milatariga dalka Ethiopia, ayaa maanta xayiray isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee Xadka u dhexeeya Somaliland, gaar ahaan magaalada Tog-Wajaale.

Ciidammada Milatariga dowladda Federaalka ee Ethiopia, ayaa subaxnimadii hore ee saaka lagu soo daad-gureeyey magaalada Tog-wajaale, iyagoo xidhay xuduudka u dhexeeya labada waddan gebi ahaanba marka laga reebo isu-socodka badeecadaha iyo ganacsiga.

Tallaabadan oo qayb ka ah dedaallo dowladda Ethiopia ku xakamaynayso xannuunka Coronavirus, ayaa saameeyey Shacabka ku nool labada dhinac ee magaalada oo Xuduudku dhexmaro, iyadoo dad badan oo Saaka u soo tallaabay dhinaca Somaliland iyo dad u tallaabay dhinaca Somaliland ay ku kala xanniban yihiin xuduudka labada dhinac.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose