Ciidamada Kiiniya Oo Ka Baxay Goobtii Labaad Ee Somaliya Kadib Markii Boqol Askari Ay Al-Shabaab Dhawaan Ka Dishay

Somaliya(SLpost)-Wararka saaka naga soo gaadhaya qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ee dalka Somaliya ayaa ku waramaya un Ciidamada Kenya ay isaga baxeen degmo muhiim ah oo halkaasi ku taalla.

Ciidamada Kenya ayaa baneeyey difaacyadii iyo xarumihi ay kaga sugnaayeen Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyagoo ka qaatay dhamaan wixii agab ahaa ee ka yiilay Baladxaawo.

Aroornimadii saaka ayaa laga war helay Ciidamada Kenya oo isaga baxay Baladxaawo, islamarkaana ay haawanayaan goobahii ay kaga sugnaayeen. Boqolaal ka tirsan Dagaalyahaanada Shabaab ayaa lasoo sheegayaa in ay soo buuxdhaafiyeen duleedka Baladxaawo, iyadoo ay suuragal tahay in ay gudaha u galaan degmada oo haatan aanay cidi ku sugneyn.

Degmada Baladxaawo ayaa noqoneysa degmadii seddaxaad oo isaga baxaan Ciidamada Kenyaatiga, tan iyo markii lagu weeraray xerada Ceelcadde ee isla Gobolka Gedo.