Ciidamada Faransiiska Oo Laga Baadhayo Xadgudubyo Galmo

Faransiiska(Slpost)-Dowladda Faransiiska ayaa ballan qaaday inay faahfaahin buuxda ka bixiso eedaha ciidamadeeda nabad ilaalinta Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe loo soo jeediyay ee ah in ay faraxumeeyeen gabdho yar yar.

faransiis

Madaxa hay’adda xuquuqal insaanka Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay eedahan u dambeeyay wax laga murogoodo.

Eedahan waxa ka mid ah in taliye ciidamada Faransiiska ka tirsani khasab iskugu geeyay gabdho yaryar iyo xawayaan.

Danjiraha Afrikada Dhexe u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku sheegay eedahan in ay yidhiin wax aad u foolxun, waxaanu sheegay in dacwad qoraal ah loo gudbiyay dacwad oogayaasha Faransiiska ah ee baadhaya arrntan.