Ciidamada Ammaanka Hargeysa oo Saacado Kooban Xabsiga ku taxaabay Ciyaartoy Reer Jabuuti ah oo Dhar-qaadasho aan Habbooneyn Suuqa ku Dhexmaray

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada booliska ee magaalada Hargeysa ayaa wakhti kooban  xidhay laba wiil oo ka tirsanaa koox kubada kolayga ah oo ka yimid dalka Jabuuti, ka dib markii ay suuqa soo mareen iyaga oo xidhnaa  garamaan surwaalo gaagaaban iyo sil silado ay qoorta ku xidhnaayeen.

Labadan ciyaartoy oo ciidamadu geeyeen saldhiga dhexe, iyada oo halkaas su’aallo lagu weydiiyey ka dib lagu ogaaday inay ka tirsan yihiin koox kubada Kolayga ah oo metelaysa magaalada  Jabuuti, kuwaas oo dorraad safar ku yimi Hargeysa oo ay laba ciyaarood kula yeelanayaan Kooxaha kubadda Kolleyga Gaashaan iyo Goodir.

Ciidamada booliska waxa ay markii dambe la soo xidhiidhay wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka dalbaday in la sii daayo labada wiil, waxaana lagu celiyey hoteelka ay magaalada ka deggen yihiin.

jabuutiLabadan wiil ee la xidhay ayaa dhar-xidhashadodu yaab ku abuuray dadkii waddada marayey,waxaana ay qaarkood ku durayeen hadalo ay ku yasayeen hab-dhaqankooda.

Dad badan ayaa markii ay ka war heleen in dhallinyaradaas la xidhay ku soo xoomay saldhiga,ayadoo u jeedada  loo xidhay ay sababtay hab-dhaqanka Hargeysa yeelay iyo kii ay Jabuuti kaga yimaadeen oo kala duwanaaday, halka ay iyaguna u barteen dharka noocan ah maadaama cimillada Jabuuti kulushahay kana duwan tahay cimillada Hargeysa.

Kooxda ay ka tirsan yihiin laba wiil ee sidatay Magaca Xulka Kubadda Kolleyga ee caasimadda Jabuuti oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Xidhiidhka kubadda Koleyga ee Dalka Jabuuti, ayaa dorraad ka soo degay madaarka magaalada Berbera, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka kubadda Koleyga Somaliland, kuwaas oo markii dambe u soo galbiyey magaalada Hargeysa.

djibCiyaartoyga reer Jabuuti ayaa caawa ciyaartoodii ugu horreysay garoonka Tima-cadde ee magaalada Hargesa kula Kooxda kubadda koleyga Gaashaan, halka ay habeennada soo socda ciyaartooda labaad la yeelan doonaan Kooxda kubadda Koleyga ee Goodir.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net