“Cidda lagu helo aynu dambiga gacanta hala saaro dawlad iyo shacab-ba”- Siyaasi Cali Waran-cadde oo ka hadlay Colaadda Fadhigaab

 

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadem ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaadda ka soo cusboonatay deegaanka Fadhi-gaab ee Gobolka Sanaag, taas oo u dhaxaysa labada beelood ee halkaa wada dega.

Siyaasi Cali Maxamed Waran-cade, waxa uu Xukuumadda iyo shacabkaba ugu baaqay in dhinac looga soo-wada jeesto beesha jebisa heshiiska si ay tusaale ugu noqto Beelaha kale iyo cid walba oo khal-khal dhinaca ammaanka ah ka samaysa dalka.

“Dhibaatada inagu dhacday waxa weeye dhawrka jeer ee arrintu soo noqnoqtay mar walba waxa inaga baxsatay haddii hashiis hore loo galay yaa danbiga leh oo dabadeed cidda lagu helo aynu dambiga ku qaadno oo gacanta la saaro dawlad iyo shacab-ba, waxa iman lahayd in la kala baqo,” sidaas ayuu yidhi Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta Hargeysa kula hadlay warbaahinta.

Muuqaalka Hoose kaga bogo Arrinta iyo Arrimo kale oo uu ka hadlay Siyaasi Cali Waran-cadde.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net