“Cid Kasta Oo Doonaysa Inay Somaliland La Dagaalanto, iyaga Uunbaa Ku Jabaya” – Madaxweyne Muuse Biixi

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xaaladda nabadgelyo-darro ee ka soo xusboonaatay deegaanka Go’da-weyn oo ka tirsan Gobolka Saaxil, halkaas oo ay isku urursadeen Dabley hubaysan Oo dagaal kula jirta Qaranimada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad uu ku dhagax-dhigay qaybo cusub oo lagu soo kordhinayo Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, wuxuu sheegay in qaranka Somaliland meel uga soo wada-jeedo lana dagaalamayo cid kasta oo halis ku ah ammaanka Dalka.

“Adduunyada Ilaahay waxa uu abuuray shar iyo khayr oo ay nolosha Bani’aadamku ku xidhan tahay, markasta oo wanaagga, horumarinta loo jeesta oo wanaag la doonayaba cid shaydaan u adeegaysa ama shaydaanba wato oo dhibaato ama wax ummadda dibudhac ku samaynaya la timaaddaa jira, aniguna waxan leeyahay cidda maanta dhibaatadaa Somaliland dhibaatadaa ku abuuraysaa waa cadowga Somaliland oo doonaya inaanay Somaliland horumar dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid dhaqanba aanay samaynin, waxanse ku kalsoonahay in shacabka Somaliland meel uu joogaba ka midaysan yahay inuu u jeesto horumarka, kana hortago wax kasta oo ka hor imanaya nabadda, horumarka, dawladnimada iyo qarannimada Somaliland, waana ta aynu iskaga difaacayno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Advertisement

Follow us On