Chelsea oo markii labaad ku Guulaystay Horyaalka Champions League

Advertisement

Kooxda Chelsea ayaa caawa ku guuleysatay Horyaal kooxaha Qaaradda Yurub ee Champions League markii labaad ka dib markii guul ay u qalantay oo 1-0 ah ka gaadhay kulan Finalka oo ay foodda is-dareen kooxda Manchester City.

Ciyaarta Finalka ee Kooxda Kooxaha Yurub oo ku qabsoontay magaalada Porto ee dalka Portugal, ayaa noqotay kulan ay isugu awood sheegteen labada tabobare ee Thomas Tuchel oo ka fiicnaaday dhiggiisa Manchester City, Pep Guardiola oo ay noqonayso markii saddexaad ee isku xiga ee uu ka adkaado.

Kooxda Chelsea ayaa Man City ka reebtay Koobka FA-ka horaantii bishan, halka sidoo kale ay ka badisay kulan ka tirsan horyaalka Premier League muddo bil gudaheed ah.

Advertisement

Guusha caawa ay gaadhay kooxda Chelsea ayaa noqonaysa markii 2aad ee kooxda ku guulaystay horyaalka Champtions League tan iyo sannadkii 2012 oo ahaa markii u horeyday ee kooxdu koobka hanato.

Weeraryahanka Xulka Jarmalka u ciyaara ee Kai Havertz, ayaa saddex daqiiqo ka hor qaybtii hore ee ciyaarta saxeexay goolka guusha, kaddib markii uu si tartiib ah ula fekeday kubad uu ka helay Mason Mount, taas oo uu ka dul-qaaday gool-wadaha kooxda City ee Ederson, sidaas uu goolka ku dhaliyey.

Kooxda City oo dhower soo gaadhay Semi-Finalka iyo Final-ka koobka Champions League, ayaa wali raadinaysa inay hanato horyaalkan, in kasta kooxdu xilli-ciyaareedkan hanatay Horyaalka Kooxaha heerka 1aad ee Ingiriiska.

 

Advertisement