CAYNABA: Madal ilyartu is qabatay oo lagu caleemo saaray Jiif Caaqil (DAAWO)

Caynabo (SLpost) Waxa maanta lagu caleemoo saaray magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar  Jiif caaqil ay doorteen beelaha Baalle Wacays ee Reer/Yoonis, waxana loogu qabtay xaflad  si heer sare ah loo soo agaasimay  hoolka shirarka ee xarunta maamulka gobolka Saraar ee magaalada Caynabo

Xafladda lagu caleemo saaray  Jiif Caaqil Cali Ismaaciil Cawad ayaa waxa ka soo qaybgalay  masuuliyiinta gobolka Saraar uu ugu horreeyo badhasaabka gobolka Saraar Axmed Cali Nuur, maamulka degmada Caynabo, cuqaal, salaadiin, culimo awdiin, aqoonyahan iyo waxgarad kala duwan oo martisharaf  tiro badan oo ka socotay dhammaan qaybaha bulshada degmada Caynabo iyo gobolka Saraar.

 

Waxa ka mid ahaa madaxdhaqameedka ugu horaynba ka hadlay xafladda caleemo saarka   Jiif Caaqil Jaamac Faarax, Caaqil Ibraahim Ciise iyo Xasan Suldaan Ibraahim Suldaan Cali kuwaasoo ku dheeraaday taariikhda  Jiif Caaqilka oo ay sheegeen inuu yahay  jiif caaqilkii sagaalaad ee beelahaasi yeeshaan, waxanay ilaahay uga baryeen inuu u fududeeyo xilka loo caleemo saaray  Jiif Caaqil   Cali Ismaaciil Cawad.

Jiif Caaqilka la caleemo saaray ee Cali Ismaacil Cawad oo isaguna ka hadlay madasha ayaa ballanqaaday inuu si daacad ah  ugu shaqayn doono beelaha doortay, una gudan doono xilka iyo masuuliyadda loo doortay si hufan oo daacadnimo ku dheehantahay.

Jiif Caaqilka maanta la caleemo saaray ee Cali Ismaaciil Cawad  ayaa buuxinaya  kaalintan oo uu banneeyay walaalkii  Jiif Caaqil  Jaamac Ismaaciil Cawad oo geeriyooday sannadkii 2011kii.

Madhax dhaqameedka madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu Jiif Caaqilkani yahay kii sagaalad ee ay beelaha Baalle Wacays ee dega gobolka Saraar ay doortaan, waxanay guud ahaanba madaxdii iyo dadweynihii ka soo qaybgalay xafladda caleemo saarka ugu duceeyeen  inuu ilaahay  u fududeeyo xilka iyo masuuliyadda loo caleemo saaray  Jif Caaqil Cali Ismaaciil Cawad.

SOMALILANDPOST.NET