Carruur Badan Oo Ay Gabadhu Dhashaa Waxa Ay Ka Raajisaa Gabowga, Waxa Aanay U Kordhisaa Qurux

oronto (SLpost)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Kanada ayaa daahfurtay in carruur badan oo ay gabadhu dhashaa ay tahay xalka ugu mucjisada badan ee imika la ogaaday in lagula dagaallami karo gabowga dumarka. Iyada oo laga dheeraanayo qalniinada qurxinta iyo kiriimada dawada ah ee hadda loo isticmaalo ilaalinta muuqaalka dhalinyaronimo. Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Simon Fraser ee dalka Kanada ayaa sheegay in cilmibaadhistoodan ay ku ogaadeen aragti burinaysa fikirkii hore loo aaminsanaa ee sheegayey in ubad badan oo gabadhu ay dhashaa uu cimri degdeg ku keenayo.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika soo turjumay oo lagu baahiyey majaladda Plus One ayaa ay khubaradu ku sheegeen in tijaabooyinka ay sameeyeen xaqiijinayaan in dumarka carruur badan dhala uu kor u kaco celceliska dheecaanka Telomeres ee uu jidhkeedu soo saarayo, iyada oo la og yahay in dheecaankan uu masuul ka yahay ilaalinta nolosha, quruxda iyo dhalinyaronimada jidhka. Haddii dheecaankani yaraadana waxaa dhaca cimri degdeg jidhka iyo unugyadaba gaboojiya.

Wawxa kale oo ay khubaradu sheegeen in hormoonka Estrogen oo jidhka gabadhu uu aad u soo saaro xilliga ay uurka leedahay uu isna jidhka kala dagaalamo sumowga, isla markaana uu unugyada ka ilaaliyo in uu gabow ku yimaaddo. Waxa intaas dheer sababo nafsi ah oo ay ka mid tahay in hooyada ubad badan dhashaa ay inta badan, qoyska iyo qaraabadaba ka hesho taageero dheeraada oo nafsi ah iyo mid bulsho taas oo korisa isla markaana ilaalisa hormoonnada iyo dheecaanada dib u dhiga gabowga.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna sheegay in tijaabooyin cilmiya lagu ogaaday in uurka iyo umushuba ay dib u cusboonaysiiyaan unugyada jidhka ku jira taas oo sababta in gabowga uu xitaa waqtigiisa caadiga ah ka sii dib dhaco.

Xigasho Geeska Afrika