“Caqliga 57 nin oo u Shaqo-tagay Isku haysta, ayaynu barigii ku darsannay oo..” Guddomiye Faysal oo ka hadlay Fashilka Shirkii Dhuusamareeb

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay fashilka ku yimi heshiis laga gaadho khilaafka ka taagan doorashada loo qorsheyey inay ka qabsoonto Soomaaliya.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayey xaflad xisbigiisu u qabtay murashaxiin u tartamaysa doorashada Wakiillada iyo Deegaanka, waxa uu si gaar ah uga hadlay fashilka ku yimi shir maalmihii u dambeeyey magaalada Dhuusa-mareeb uga socday Dowladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada oo lagaga arrinsanayey khilaafka doorashada dalkaas.

Advertisement

Fashilka ku yimi shirka ayaa loo sababeeyey inuu salka ku hayo kaddib markii lagu heshiin waayey qaabka loo qaybinayo kuraasida shaqsiyaad metelaya Somaliland oo dowladda Soomaaliya maamulkeeda gacanta ku hayso.

“Waxa la leeyahay xildhibaannadii Somaliland baa lagu heshiin waayay, bal horta caqliga aynu u tagnay eega, Illahaybaan idinku dhaarshee, caqliga aynu barigii ku darsanay ee aynu nidhi Soomaali baa layidhaahdaa, waa caqliga inaga oo halkan joogna 57 shaqo tagay leh waa xildhibaannaadii Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ju daray, “inagu waxkale uma jeednee qaranimadeeni baynu soo ceshanaynaa, saw Jabuuti qaranimadeedi may xajisan, saw killalka shanaad tiisi muu helin, saw NFD may helin, dee waxaanu leenahay idinku is haggaajiya anagu taayadii waanu haysannaaye, colaadna uma qabno laakin waligeen dib u tagi mayno, usheega midh midhka halkaa jooga.” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement