Cali Xoor-Xoor Oo La Sheegay Inuu Istiqaalad Dhiibay Intii Aan Xilka Laga Qaadin

Hargeysa  (SL.Post) Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor), ayaa xoguhu sheegayaan inuu Madaxtooda u soo gudbiyay qoraalka ku sababeeyay inuu iska casilay xilka Maareeyaha Dekeda Berbera.

 

 

Tibaaxaha ayaa intaas ku daraya in Madaxtooyadu ay Cali Xoo-Xoor cadaadis ku saartay hanaanka ay DP World uga hawlgalayso Dekeda Berbera oo ay diidmo kala horyimaadeen shaqaalaha muruq maalka ah ee Dekeda Berbera iyo awaamiir la faray oo nuxurkood yahay inuu xakameeyo mucaaridada lagagal hor yimi heshiiska DP ee ay Madaxtooyadu hormoodka ka tahay.n

 

 

Xil ka qaadistan lagu sameeyay Eng. Cali Xoor-Xoor ayaa dad badan oo arrimaha siyaasada odoroosaa ay u arkayaan mid caqabad ku noqonaysa kalsoonida Xukuumadda KULMIYE ka doonayso gobolka Saaxil.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa