“Cali Waran-cadde wuxuu igu yidhi ‘Innagu Madaxweynaha waynu la talinaaye, Wasiirradu way u shaqeeyaan” – Cabdilaahi Cukuse

 

Hargeysa (SLpost)- “Qolada Xilka ka tagtay iyo qolada xilka timi labaduba waa koox isku mid ah, mar kale inay ku soo noqdaanna wax kuma aha Illaahay. Annaguba labaatan goor in ka badan baanu soo noqonnay oo aanu tagnay… meesha waa la yimaaddaa ee lagama fogaado uun, markaa ninkii cadhooda ee ka fogaada uunbaa ka maqnaanaya”, Sidaa waxa yidhi La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Xaflad loo qabtay soo-dhawaynta masuuliyiin madaxweynuhu dhawaan magacaabay oo lagu marti-qaaday ka jeediyey hadal kaftan iyo duur-xul isugu jira.

Muuqaalkan Hoose Ka Daawo Hadalka Cabdilaahi Cukuse ka jeediyey Xafladda lagu marti-qaaday