Cali Maxamed Warancadde oo ka hadlay Isbahaysiga Mucaaradka iyo Loollanka Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan isbahaysi ay Xisbiyada Mucaraadku sameeysteen, loolanka loogu jiro guddoonka Baarlamaanka iyo aragtidiisa ku waajahan Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay.

Laba xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani oo ku guulaystay aqlabiyadda kuraasta Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, ayaa dhowaan ku dhawaaqay isbahaysi siyaasadeeed oo ay ku doonayaan sidii gacanta ugu dhigi lahaayeen Shir-guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka Goleyaasha Deegaanka dalka.

La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu sheegay inaanay arrin siyaasadda dalka ku cusub ahayn isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradku oo ay hore u dhacday xilligii dowladdii Madaxweyne Daahir Rayaale, sidaas awgeedna aanay wax dhibaato ah ku lahayn dalka iyo dowladdaba.

“Anigu Xisbiyada iyo Dawladda wax badan baan ku soo jiray, wax imika inoogu horeeysa maaha, hore ayey u dhacday in Xisbiyo Mucaarad ah is bahaystaan, wax farqiya iyo mucjiso ay keentay midna ma jirin, Xisbiyaduna way jireen Dawladduna way shaqeeynaysey, imikana kuwa hore u jiray wax ay kaga duwan yihiin ma jirto, anigu waxaan qabaa wax alaale wax dhibaato ah oo ay leedahay iyo wax mushkilad ah oo laga baqaa midna in aanay jirin,” sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde.

Mar uu ka hadlayey loolanka loogu jiro guddoonka Baarlamaanka waxa uu yidhi, “Waa la tartamaa ee wuxuu tartankaasi soo saaro ayaa lagu kala baxayaa, ee waxaynu sugi doonaa marka wax la kala gurayo, siday wax u soo baxaan ayeynu sugi doona haddii ILLAAHAY yidhaahdo”.

Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka waxa uu yidhi, “Waxyaabaha aan runtii aad u bogaadinayo waxaa ka mid ah waxaa la damcay in lagu riixo qabyaalad, dad aan ogolayn horumarkeena iyo wanaaggeena ee dhegta wax u saara bulshada qaarkood, laakiin Doorahada waxaa ka soo baxay inay ummadda reer Somaliland nacday qabyaaladdii, oo ninka u codka badani uu noqday dadkii aan hore u iman jirin meesha, taasi markaas waxay keentay in Shacabka iyo umadduba ka guurtay qabyaaladda”.

“Waxaan qabaa Somaliland in aanay cidina u baqayn oo aynu ka baxayno qabyaaladdii, ceebihii iyo gobolalaysigii oo aynu u baxayno maxaa u dan ah qaranka, markaas anigu wax werwer ah oo aan ka qabaa ma jirto,” sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Wara-cadde.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net