Cali Khaliif Galaydh: “Somaliland la wada leeyahay haddaan laga Shaqayn Wallee Meel Fog baa laga dooni

Cali Khaliif Galaydh Hoggaamiyaha Khaatumo, ayaa sheegay in haddii aan laga wada shaqayn Somaliland la wada leeyahay in meel fog laga dooni doono Somaliland. Waxa kale oo uu Prof: Galaydh ka hadlay hirgelin la’aanta heshiiskii ay Khaatumo iyo Xukuumaddii Axmed-Siilaanyo wada galeen oo aanu Madaxweyne Biixi weli dhaqaajin.

Cali Khaliif Galaydh, waxa uu sheegay inaanay Somalilandnimada cidna ka baryeyn oo aanay marti qofna uga ahayn, isla markaana uu gef iyo meelka dhac ahaa hadalkii Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ka soo yeedhay dhawaan iyo qodobbo kale.