“Cali Khaliif Galaydh Haddii Uu Yidhi Hargeysa Ayaan Imanayaa Cidna U Diidi-mayso” Wasiirka Arrimaha Guddaha

Hargeysa (SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh.

faratoon

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Cali Khaliif Galaydh oo sheegay inuu ku soo waajahan yahay Magaalada Hargeysa, waxaanu tilmamaay in aanay jirin cid u diidi karta inuu yimaado, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya “Xasan Sheekh  Somaliland kama hadli karo,  wuxuu Somaliland u hayo, awood uu ku leeyahay iyo awood uu kaga taliyo aayaheeda midna ma jirto, waxna lagama weydiinayo, waxaana u arkaa inuu yahay nin iska hadlaya oo banaan ka hadlay,Xasan Sheekh waa u nacasnimo iyo caqli daro wuxuu kaga hadlay Somaliland,inta uu Somaliland ka hadlayana waxa u haboon inuu hawshiisa hoos u eego, oo xalaada uu dalkiisu ku jiro wax ka qabto”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar uu ka hadlaayey Cali Khaliif Galaydh iyo Khaatumo ayaa yidhi “Cali Khaliif Galaydh haddii uu yidhi Hargeysa ayaan imanayaa cidna  u diidi mayso, waana la arki haddii uu yimaado wuxuu la yimaado,markaas ayaana lagala hadli doonaa wuxuu  la yimaado, wada hadalada Somaliland iyo Khaatumana waxaan ku rao weynahay inay noqdaan qaar midho dhal ah, oo natiijo wanaagsani ka soo baxdo.”

 

Somalilandpost.net