Cali Guray Oo Xukuumada Siilaanyo Ku Tilmaamay Mid Qaladfahantay Dastuurka Oo Hantida Umadda Dana Gaar Ah Ku Bixinaysa

 

Hargeysa(SLpost)-Gudoomiyaha sadexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Cali Guray ayaa xukuumada ku tilmaamay mid qalad fahantay qodobka 12 ee dastuurka ee xukuumada u oglaanaya maamulida hantida dawlada.

Cali Guray oo qoraal kooban soo galiyay Facbookiigiisa qaxa uu yidhi “Waxay qalad ka fahmeen qodobka 12aad ee odhanaya dawladdu way iibin kartaa kirayn kartaa hibayna kartaa hantida dadwaynaha si sharciga waafaqsan. Waxay ka dhigeen in Madaxwaynuhu Caligurey siin karo Madaarka Hargeysa uu u hibayn karo. Dekedda Berbera hebel u hibayn karo Madaarka Berberana heblaayooy habryar iska qaado odhan karo ilayn sharciga ayaa u ogol eh. Taasi waa jaahil nimo.

Aniga oo guri baanku leeyahay qolo jabhada kala wareegay oo dhisanaya ayaa Alleh ha u naxariisto eh waxa igu soo maray adeerkay Cabdillahi Oomaar. Kolkuu i waraystay uu ogaaday in guriga aan dhisanayo dawladdu leedahay anuun baa garanaya sidii uu u naxay hadal wuxu iigu soo gooyay adeer aan kula taliyo eh aqal dawladeed lacag ha iska gelin boqol sanadoodna ha noqoto eh kaaga hadhimayso wax dawlad ka lumaana ma jiro goor ay noqotoba waa lagaaga daba imane ku aad leedahay waxad kan iska gelinayso ku bilaw wixii la bilaabaa wuu dhamaadaaye waayo lacagta aad kan iska gelinaysaa waa BAD INVESTMENT af ingiriisi ayuu igu yidhi intaa. Bal ogow hadal kaasi dubuq buu i yidhi ugu dambaystiina waan qaatay waanadii adeerkay.”