Cali Guray oo Ishaaray Qorshe Madaxtooyadu Muddo-Kordhin labaad ugu ololeynayso

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa daboolka ka qaaday Qorshe madaxtooyadu bilowday oo ay ugu ololeynayso muddo-kordhin ay mar labaad doonayso in loogu daro muddo-xileedkeeda iyo ka Golaha Wakiillada, kaddib markii ay ku guulaystay muddo-kordhin Sannad iyo Toban Bilood ah oo Golaha Guurtidu Qalinka ugu duugay.

Cali Maxamed Yuusuf waxa uu sheegay inay madaxtooyadu qorshahan bilowdya maalmo kaddib Go’aan Maxkamadda Sare daba-yaaqada bishii hore ka soo saartay muranka Muddo-kordhinta iyo heshiis dhexmaray Xisbiyada iyo Xukuumadda, kaddib markii madaxweynuhu Maxkamadda ka codsaday inay tafsiir sharci ka bixiyo murankaas, waxaanu Cali Guray arrintaas u daliishaday Dib-u-dhac ku yimi Doodda iyo Ansixinta Xeerka Doorashada Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, kaddib markii Ajandaha Kalfadhiga 28aad ee Golahaas laga saaray Xeerka oo muran badani ka taagan yahay, kana soo horjeesteen xildhibaannada laga soo doorto Gobollada Galbeedka oo saluug ka muujiyey saami-qaybiga Xeerku u jideeyey Gobollada Awdal iyo Selal.

Guddoomiye Cali Yuusuf waxa uu arrintan ka hadlay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, kaas oo uu ciiwaan uga dhigay “XEERKII HORE TUUR KU KALENA DIID”.

Cali Guray waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay Sidan:- “Barnaamijkii loogu talogalay in loo maro muddo kordhinta marka labaad ee Madaxtooyada iyo marka afraad Wakiilada waxa la bilaabay maalin keliya ka dib go’aankii Maxkamadda. Wuu socdaa, Xeerka Doorashada Wakiilada ayaana loogu talogalay in inta badan labada sanadood ee muddo kordhinta lagu muran sanaado waayo saami qaybsigii hore hal mar baa loogu talogalay oo waxa lagu doortay Xildhibaanada muddo xileedkoodi dhamaaday shan sanadood ka hor welina fadhiya laba sanadood oo kale wax ku dhawna loo kordhiyay. Toban sabadood Wakiiladu may soo hadal qaadin xildhibaanada hadda loo adeegsanayo muddo kordhinta ka dambaysa xiligii ay Maxkamadda Dastuuriga ihi mudaysay doorashada ee 28 March 2017

Hadii aynu dib ugu noqono beentii madaxda sare ay dadka u sheegi jireen intii ka horeeysay bishii May ee sanadkan waxay indho adaygooda iyo xishood la’aantooda mar walba ku celcelin jireen DOORASHADU WAKHTIGEEDII BAY KU QABSOOMAYSAA, iyaga oo og kana shaqaynayay in aan wax doorasho ihi qabsoomin ee muddo kordhin intii la doortay oo dhan loo sameeyo ama isu sameeyaan.

Maanta way yidhaahdeen waana looga fadhiyaa saami qaybsi cadaalad ah hadii laga helayo balse waydin arki waxa loo jeedaa maaha saami qaybsi. Hadii la waydiiyo maxaa u aragtaan saami qaybsiga cadaaladda ah kama jawaabi karaan. Kuwa diidan 13 xildhibaan hadii aad waydiiso intee idinka maqan bal qiyaasa ma qiyaasi karaan waayo kan yar ee qandaraaska qaatay ee negneg laha ah ayaan aniga laftaydu waydiiyay oo sheegi kari waayay. Waxay tidhi” WALEE MAADI WAA MEEL”, maadi waxay joogtaa marka xeerkii horena la tuuray ku kalena la waayo waanay imanaysaaye bal ogaada. Kuwan qandaraaska qaatay maalinta ay jawaabta ay heli doonaana waa maalintaa. Hadiise ay Awdal wax u soo kordhiyaan oy gobolo kale wax uga soo qaadaan waa rag rag ah oo run sheegayay eh bal an sugno.” Ayuu yidhi Cali Yuusuf.