Calawiyiinta Suuriya Oo Ka Horyimi Gaboodfalyada Asad Sheegayna In Aan Calawiyiinta Loo Tirin Karin Waxa Uu Gaysto

Suuriya(Slpost)-Talaabo aan hore looga baran, ayaa qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha firqada calawiyiinta ee Suuriya ee uu ka tirsan yahay madaxweyne Bashar Al Asad waxay shaaciyeen dokumenti ay BBCduna heshay oo ay isaga fogaynayaan rajiimkiisa.

Waxay caddeeyeen nooca mustaqbal ee ay la rabaan waddanka, ka dib 5 sano oo uu ku jiray dagaal sokeeye.

Hogaamiyeyaasha mujtamaca iyo kuwa diinta ayaa sheegay inay rajaynayaan inuu iftiin u bidhaamo calawiyiinta, wax ay ku tilmaameen wakhti muhiim ah, ka dib muddo dheer oo lagu jiray in wax kasta ay sir ahaadaan.

Laba ka tirsan hogaamiyeyaasha Calawiyiinta Suuriya oo dalbaday in aan la magac dhabin oo ah ragga qoray documentiga, ayaa BBC da u sheegay inay goosteen inay ka soo saaraan warbixintan ku saabsan aqoonsigooda, maadaama oo Calawiyiin badan lagu laayay Suuriya sababtuna ay tahy caqiidadooda.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay muhiim tahay in aan Calawiyiinta la saarin dambiya ay xukuumadda talada haystaa ku kacday.

Kala qaybsanaanta mad-habtu waa mid ka mida waxyaabaha ugu waawayn ee dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda hurinaya.

Image copyrightSANA

Hogaamiyeyaasha Calawiyiintu waxay qoraalkan ku sheegeen in ay haystaan Mad-hab saddexaad oo Islaamka ka mida.

Waxayna sheegeen in Calawiyiintu aanay haysan mad-habka Islaamka, Shiiciga ah ee lagu sheego, isla markaana ay ka go’antahay la dagallanka collaadda mad-habaha ee ka socda Suuriya.

Waxay caddeeyeen in ay aaminsanyihiin mabaa’dida sinnaanta, xorriyadda iyo wadaniyadda waxaanay ku baaqeen in mustaqbalka Suuriya laga dhaqan geliyo nidaam cilmaani ah oo ay ka suurto gasho in Islaamka, Masiixiyadda iyo diimaha kale ku sinnaadaan.

Inkasta oo Calawiyiintu u badnaayeen dowladda Suuriya iyo laamaha nabad gelyada xukunkii Bashar Al-Asad iyo Aabihii Xafid al-Asad in ka badan afartan sannadood, haddana qoraalkani wuxuu qiray in xukunka jiraa yahay mid sharci ah, sida ay dhigayaan bay yiraahdeen mabaadii’da dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aasaasiga ahi.