Cabdirisaaq Khaliif oo Iska Casilay Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

Laascaanood (SLpost)- Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta shaaciyey inuu iska casilay xilka Guddoomiyaha iyo xubnimada Golaha Wakiillada oo uu muddo laba sanno ku dhow hayay.

Cabdirisaaq Khaliif oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood, waxa uu sheegay inuu iska casilay xilkaas, xubinimadii Golaha Wakiillada iyo Sidoo kale Xubinimadii uu ka hayay Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa toddobaadkan Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Golaha Wakiillada u gudbiyay dacwad ka dhan ah Cabdirisaaq Khaliif oo lagu eedeeyey inuu ku kacay fal-dambiyeed ka dhan ah Qaranka kaddib markii uu la soo saftay malleeshiyaadka nabad-diidka ah ee gacanta ku haya magaalada Laascaanood, kuwaas oo dagaal kula jira Ciidanka Qaranka Somaliland.

Maxkamadda Sare ayaa Golaha Wakiilllada ka codsatay inay muddo 7 maalmood ah kaga soo jawaabaan dacwadda lagu eedeeyey Cabdirisaaq Khaliif, waxaanay tani sababtay in mudaneyaasha Goluhu u ballamaan fadhi ay go’aan kaga gaadhayaan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillad oo intooda badani ayidsan yihiin dacwadda lagu soo oogay Cabdirisaaq Khaliif.

Cabdirisaaq Khaliif oo muddo dhowr bilood ah fadhiyey Laascaanood kaddib markii uu shaaciyey inuu taageersan yahay go’aamo ka soo baxay Garaaddada Laascaanood oo go’aamiyey inay samaysanayaan maamul ka madax-bannaan Somaliland, iyagoo ku baaqay in ciidanka Qaranku isaga baxaan gobolka Sool.

Cabdirisaaq Khaliif oo ka soo baxay Xisbiga Waddani oo uu gobolka Sool u metalayey, ayaa xilka guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doortay 3-dii August, 2021-kii kaddib loolan adag oo dhexmaray Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo Xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Sool Doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo dalka ka qabsoontay bishii May 2021-kii.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa siyaasadda Somaliland ku soo biiray sannadkii 2010-kii kaddib guushii Xisbiga Kulmiye ee uu gadh-wadeenka u ahaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu ka mid noqday Golihii wasiirrada ee ugu horreeyey xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, isagoo noqday Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu soo qabtay Xilka Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta oo uu hayey ilaa sannadkii 2015-kii wakhtigaas oo isaga iyo xubno kale ay iska casileen Golihii Wasiirrada ee Xukuumaddii Siilaanyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net