Cabdiraxmaan SOLTELCO oo ka tanaasulay Tartanka Maayarnimada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Maayarka muddada xil hayntiisu dhammaatay ee Caasimadda Hargaysa Cabdiaxmaan Maxamud Caydiid (Solteco), ayaa galabta shaaciyey inuu ka tanaasulay tartankii uu ugu jiray Maayarnimada Caasimadda Hargaysa.

Cabdiraxmaan Solteco ayaa sheegay in Tanaasulkiisu ka danbeeyay go’aan kaga yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi isagoo u hambalyeeyay Cabdikariin Axmed Mooge oo u sharaxan Jagada Maayarnimada Caasimadda, waxaanu ka dalbaday Mudanayaasha golaha deegaanka Caasimadda in marka uu furmo fadhigooda ay Xilka Maayarnimada Caasimadda Hargaysa u doortaan Cabdikariin Axmed Mooge.

Maayarka Muddada xil-hayntiisu dhammaatay ee Caasimadda Hargaysa kana mid ah 17-ka Xildhibaan ee loo doortay golaha cusub ee deegaanka caasimadda Hargaysa, waxa uu Taageerayaashiisa ka Codsaday inay ku ixtiraamaan go’aankan uu gaadhay.

Advertisement

Waxa kale oo uu sheegay in aanu ka baxayn golaha deegaanka Hargaysa oo uu noqonayo Odaygii golaha deegaanka, isagoo dhanka kale meesha ka saaray warar sheegaya inuu ka baxayo Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Kulmiye, isagoo cadeeyay inuu Xisbigiisa u sii shaqaynayo.

Loolanka Maayarnimada caasimadda Hargaysa ayaa hadda u muuqanaysa mid aan lagula tartami doonin Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge oo ah Mudanihii ugu codka badnaa ee ku soo baxay doorashadii isku sidkanayd ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada isagoo helay in ka badan 26 kun oo Cod oo ay siiyeen Shacabka magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On