Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka hadlay heshiis Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo nuxurka waxyaabaha uu ku saabsanaa

Hargeysa (SLpost)- Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa sheegay inay madaxweyne Siilaanyo ka heshiiyeen xurguftii siyaasadeed ee ku dhexmartay Xisbiga Kulmiye kulan uu madaxweynuhu ku marti-qaaday oo shalay ka qabsoomay xarunta madaxtooyada, haseyeeshee waxa uu sheegay inaanu heshiiskaasi meesha ka saarin kala-duwanaanshihii dhinaca siyaasadda ee labadooda u dhexeeyey.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka hadlay heshiis Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo nuxurka waxyaabaha uu ku saabsanaaCabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka tirsanaan jiray hoggaanka Xisbiga Kulmiye isla markaana ka mid ahaa aasaasayaashii xisbigaas, ayaa badhtamaha sannadkii 2012-kii si bahdilaad ah looga xayuubiyey xubinimadii iyo xilkii hoggaanka ee uu ka hayey xisbiga Kulmiye, ka dib markii uu tiraba dhowr jeer ka soo jeer horjeestay siyaasadda hoggaamineed ee madaxweyne Siilaanyo.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu ka hadlay nuxurka waxyaabaha ay kulankaas madaxweyne Siilaanyo kaga wada-hadleen iyo halka uu wali ka taagan yahay Siilaanyo iyo mawqifkiisa siyaasadeed.