Cabdicasiis Maxamed Samaale oo si Rasmi ah uga Mid noqday Guddiga Fulinta ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa lagu daray Guddiga Fulinta ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Xisbigaas Md Muuse Biixi Cabdi.

SamaaleWar-saxaafadeedkan oo lagu socodsiiyey Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xogahayaha Kulmiye Xasan Siciid, ayaa lagu sheegay inuu Wasiirka Maaliyadda ee xilligan uu ka tirsan yahay Guddiga Fulinta ee Xisbiga Kulmiye laga bilaabo 26-ka Bisha February.

“Waxa lagu daray Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaannu laga bilaabo maalinta taariikhdu tahay 26/02/2014 noqonayaa xubin ka tirsan Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE,” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkan.

Go’aanka Xubnimada laga siiyey Cabcasiis Samaale Guddiga Fulinta ee Xisbiga, ayaa qayb ka ahayd 10 qodob oo lagu soo gunaanaday khilaaf in muddo ah u dhexeeyey garabyo ku kala qaybsamay siyaasadda xisbiga Kulmiye, ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo Guddi turxaan bixin ah u saaray xalinta khilaafka kala qaybiyey Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo dhowaan ka soo saaray toban qodob oo mid ka mid ahi jidaynayey go’aanka uu caawa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Kulmiye.

SOMALILANDPOST.NET