Cabasho ka soo Yeedhay Qurbejoog xukuumaddu ku karantiishay Dhisme ku yaalla Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Rakaab la socday duullimaad ay diyaaradda Ethiopia Airlines ku timi magaalada Hargeysa Jimcihii shalay oo lagu karantiilay Guri ku yaalla Caasimadda, ayaa cabasho ka muujiyey qaabka loola dhaqmay iyo saxada goobta la dejiyey.

Rakaabka la socday diyaaradda oo dhammaantood ah muwaadiniin u dhashay Somaliland, ayaa diyaaradda Ethiopian Airlines ka soo qaadday magaalada Addis Ababa oo ay muddo ku sugnaayeen iyagoo ka kala yimi waddamo kala duwan, waxaana markii ay Garoonka diyaaradaha Hargeysa yimaaddeen la wareegay Wasaaradda Caafimaadka oo dejisay Guri ku yaalla xaafadda Jigjiga Yar ee Hargeysa.

Dadkani waxa ay cabashadooda ku sheegeen in nadaafadda goobta la dejiyey aad u liidato, taas oo ay sheegeen inay khatar ku tahay Caafimaadka noloshooda, sidaa awgeedna aanay ku sii noolaan karin, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen in la geeyo goob ay caafimaadkooda ku aamini karaan.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose