Caasimada Hindiya Oo Waajahaysa Xaalad Biyo La’aan Ah Kadib Markii Gobalkii Biyuhu Uga Iman Jireen Kacdoon Ka Dhacay

Hindiya(SLpost)-Magaalada caasimadda u ah Hindiya ee Delhi, waxa ay wajeheysaa biyo la’aan xun kaddib qalalaasaha xaq u dirirka eek a socota gobolka ku dhagan ee Haryana.

Dibad baxayaal ka socda qomiyadda Jat waxa ay burburiyeen qalabka kanaalka Munak, oo ah isha ugu weyn ee caasimadda ay biyaha ka hesho.

150727150210_water_supply_delhi_624x351_getty

Xubnaha dowladda Delhi waxa ay soo saareen amar lagu yareynayo isticmaalka biyaha, waxayna sheegeen in qeybo kamid ah magaalada ay maanta biyo la’aan noqoneyso.

Dhammaan iskuulada ayaa Isniinta la xiridoonaa,Qowmiyadda Jat waxa ay ka careysan yihiin, hanaanta qoondada ragga.