Buugga HALGAN iyo HIMILO Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay iyo Mucda Taariikhda uu Xambaarsan yahay

Magaalada Hargeysa waxa Caawa lagu Soo Bandhigay Buugga HALGAN IYO HIMILO oo uu Qoray Aqoonyahan Axmed Kilaas Jaamac.

Buugga ‘Halgan iyo Himilo’ Oo xambaarsan Taariikh-nololeedkii, Shaqsiyaddii iyo Doorkii uu Dhismaha Nabadda iyo Dowladnimada Somaliland Ka Soo Qaatay Allah ha u naxariistee Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal Oo ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland ka hor intii aanu Marxuumku Sannadkii 2016-kii ku geeriyoon magaalada Hargeysa.

Munaasibadda Bandhigga Buugga ‘Halgan iyo Himilo’ Oo Caawa ku qabsoontay Hotel Maansoor, waxa ka Qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Culimo-Aw-Din, Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo Haween.

Masuuliyiin iyo Shaqsiyaad ka Hadlay Munaasibadda oo qaarkood ay Soo wada-shaqeeyeen Marxuumka Buugga Laga Qoray, ayaa ka warramay Aqoontii u lahaayeen iyo Doorkii uu ka soo qaatay Halgankii Dalka Loo Soo Galay, Nabadeyntii Beelaha Somaliland iyo Dhismihii Dowladnimada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net