Buug Laga Qoray Halgamaa Faarax Oomaar Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigy

 

 

Hargeysa(SLpost)-Buug laga qoray halgamaagii reer Somaliland ee Faarax Oomaar ayaa si balaadhan loogu soo bandhigay xaflad lagu qabtay hotel Guuleed magaaladda Hargeysa.

Buugan oo lagu ururiyay taariikhdii kala duwanayd ee halgamaagan reer Somaliland waxa qoray Maxamed Jaamac Cali (Faroole), waxaana xafladaas ka soo qaybgalay haldoor aad u badan,xisbiyada siyaasada ee dalka,wasiiro,aqoon yahano iyo dhalinyaro tiro badan. waxa halkaas si guud mara loogaga sheekeeyay bilowgii noshada Faarax Oomaar ,waxbarashadiisii iyo halgankii aan dagaalka ahayn ee uu la galay dawladii Ingiriiska oo wakhtigaas maxmiyad ay u ahayd Somaliland.

12016677_903837226330641_1524840988_n 12021844_903837209663976_791702192_n

Bandhiga buugan waxa qaban qaabiyay bahada Hiilqalin, ugu danbayntiina waxa halkaas laga jeediyay khudbado kala duwan oo la xidhiidha halgamaagaa iyo sidii loo weelayn lahaa taarikhda dadkii wakhtiga badan galiyay Somaliland.