Burco: Taliska Booliska oo ka hadlay Dad laga shakiyey oo la xidhay

 

Buroc (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer, Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Faarax, ayaa shaaca ka qaaday in ay xidheen shan qof oo laga shakisan yahay.

Taliyuhu waxaa uu sheegay in shanta qof lagu soo qabtay hawlgalo ay sameeyeen ciidamada booliska ee gobolka Togdheer habeenadii ugu danbeeyay, balse waxa uu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyey dambiga loo haysto.

“Dad ayaanu soo qabanay baadhitaankii ayaa socda kana hor dhicimaayo baadhitaanka, odhanamaayo waxaasi ayaa jira dadka aanu tiradoodu waxaa ay dhan tahay shan qof, dadka imika waxaa aanu ku raad joogna asal raacoodi,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Faahfaahinta warkan oo dhammeystiran, ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net