Burco: Maxkamad Xukun ku ridday Nin Kufsaday Gabadh 9-jir ah iyo Hooyadii Dhashay oo dambi lagu helay

 

Burco (SLpost)- Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Togdheer, ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada dacwad kiiskeeda ay gacanta ku haysay oo lagu soo oogay nin kufsaday gabadh yar oo 9-jir ah oo falkaas u geeriyootay .

Kiiska Dacwaddan oo Maxkamadda gobolka Togdheer hore ugu xukuntay dambigana ugu heshay ninka kufsiga geystay iyo Hooyada dhashay gabadha yar, balse racfaan laga qaatay, waxa lagu soo af-jaray fadhi ay maanta yeelatay Maxkamadda Racfaanka ee gobolka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanta gobolka Barkhad Isaxaaq Barre, ayaa ku dhawaaqay xukunka ciqaabta ah ee dacwadda loo haysto ninka falka geystay oo lagu magacaabo Siciid Maxamed Faarax iyo Gabadha yar ee la kufsaday Hooyadeed oo lagu magacaabo Farxiya Maxamed Dable.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Xukunka Maxkamadda