Burco: Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga Ka-jaray Mashaariic laga hirgaliyey Caasimadda Togdheer

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad hawlo shaqo ugu sugan gobolka Togdheer, ayaa maanta kormeeray mashaariic kala duwan oo laga fuliyey gudaha magaalada Burco, isaga oo sidoo kalena xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah oo laga hirgeliyey goobo muhiim u ah adeegga dadweynaha reer Burco.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo, ayaa kormeeray qaar kamid ah xarumaha muhiimka ah ee xukuumaddu ku leedahay magaalada Burco oo ay kamid yihiin xafiiska guddoomiyaha gobolka, dawladda hoose ee Burco, xafiisyada wasaaradaha waxbarashada iyo horumarinta maaliyadda, cusbitaalka guud ee Burco, xarunta wakaaladda Biyaha ee Burco iyo goob ganacsiyeed casri ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Burco oo ay maalgashadeen ganacsato reer Somaliland ahi, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay bulshada ugu adeegaan xafiisyada dawladda ee magaaladu, isaga oo warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta qaranka u qaabilsan xarumahaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa halkaas kusoo dhaweeyey.

Masuuliyiinta xarumaha uu madaxweynuhu booqday, ayaa ka warbixiyey shaqooyinka maalinlaha ah ee ay bulshada u hayaan, qorshahooda mustaqbal iyo caqabadaha deriska la ah, waxana ay madaxweynaha ugaga mahadnaqeen taageerada niyadsamida leh ee uu la garab taagan yahay, isaga oo madaxweynuhuna dhinaciisa ku dhiirrigeliyey masuuliyiinta inay sii laban-laabaan shaqada ay bulshada u hayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa masuuliyiinta xafiisyada uu kormeeray ku ammaanay hawsha adag ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay xilka isaga saareen inay hawlaha qaranku si hufan u fulaan, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,“Aad baan idiinku bogaadinayaa hawsha ay ku dheehan tahay cilmigu iyo xoogga dhallinyarada ah ee aad keenteen, ummadduna way idiinka mahadnaqaynaa, annaguna wixii hawl ah madaxweyne, wasiir iyo gobolba waannu idin garab taagannahay, qofkii shaqaynayana waannu ku qasbanahay inaannu garab galno.”

Kormeerka madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu ku sameeyeen xarumaha dawladda, waxa ku lammaanaa xadhig-ka-jaris uu madaxweynuhu ku sameeyey dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyey xarunta wakaallada biyaha Burco, cusbitaalka guud ee Burco iyo xarun-ganacsiyeedka casriga ah ee Daara-salaam Mall.

Intii ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu ku gudo jireen hawlahooda kormeerka iyo xadhig-ka-jarista, waxa shaaricyada waaweyn ee magaalada Burco kusoo dhaweynayey qaybaha kala duwan ee bulshada reer Burco, kuwaas oo muujiyey taageerada ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumadda uu hoggaamiyo.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net