Burco: Guddiga Doorashooyinka oo Kala Diray Hawl-wadeennada Kaadh iyo Degmo-Doorasho Beddelka Gobollada Togdheer iyo Saaxil

 

Burco (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Magaaladda Burco ka amba-bixiyey Hawl wadeenada iyo Gaadiidka ka shaqaynaya Diinwaangelinta Degmo-doorasho-beddelka Codbixiyeyaasha ee doorashooyinka Somaliland iyo u adeegista Muwaadiniintii Kaadhadhka Codbixintu ka lumeen ee Ku dhaqan Gobollada Togdheer iyo Saaxil oo maalinta Berri ah bilaabmi doona.

Hawl-wadeennada, Gaadiidka iyo Agabka la kala diray ayaa ka shaqayn doona sidii ciddii u baahan laagu beddeli lahaa goobihii ay markii hore ka qaateen kaadhadhka iyo diiwaangelinta dadka ay ka lumeen kaadhadhka cod-bixinta.

Advertisement

Madasha lagu kala diray Hawl-wadeennada iyo Gaadiidka waxa goob-joog ka ahaa Komishneer Maxamuud Siciid Dalmar oo ka tirsan komishanka doorashooyinka qaranka, waxaanu bulshada ku dhaqan Gobolada Togdheer iyo Saaxil ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadda la siiyey oo komishanka doorashooyinku ugu talo galeen in lagu xaqiijiyo in ay muwaadiniintu helaan xaqooda ah inay ka qayb-qaataan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo 31-ka bisha May ee sannadkan ka qabsoomi doonta dalka.

Maxamuud Siciid wuxuu intaas ku daray in gobolka Togdheer ay hawshaasi ka bilaabmi doonto sagaal iyo toban koobbood, halka gobolka Saaxilna noqon doono kow iyo toban goobood.

Ugu dambayn wuxuu sheegay Maxamuud Siciid in hawshaasi goboladaas ka socon doonto toban maal-mood ah, isagoo intaa ku daray in cidii badalanaysa goobtii hore ee ay kaadhka ka qaadatay au u badalan karaan mid ka mid ah sadex iyo labaatanka degmo doorasho, iyadoo uu buuxin doono shuruudaha looga baahan yahay.

Somaliladpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On