Burco: Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Isku-dhac Dhalinyaro Dhexmaray

default

 

Burco (SLpost)- Ugu yaraan hal qof, ayaa ku dhintay Afar ruux oo kalena way ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday garoonka Ciyaaraha ee Alamsay ee magaalada Burco oo ay Ciyaar Kubadda Cagta ahi laba Kooxood ku dhex-maraysay, iyagoo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Dhalinyarada iyo Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Garoonka Kubadda Cagta ee Alamsey ee magaalada Burco

Isku Dhac Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo dhex-maray taageerayaasha iyo kooxaha ciyaarayey, ayaa galabta gabbal-dhicii ka dhacay garoonka Alamsay ee magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, iyadoo labada kooxood ka mid ahaayeen kooxaha ku ciyaarayey koob dhawaantanba ka socday garoonkaas oo kooxo badani ku tartamayeen.

Halka Qof ee dhintay, ayaa ah Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliland, halka ay saddexda Qof ee dhaawacmayna kala yihiin; Taliyaha Saldhigga Booliska Burco, Askari kale iyo laba Ruux oo Shacab ah.

Ciidammada Ammaanka, Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo midkoodna war faahfaahsan kama soo saarin illaa hadda dhacdadaas ka dib markii ay iska horyimaaddeen Taageerayaasha laba Kooxood oo Tartan Kubadda Cagta ah wada ciyaarayey.

Hase-yeeshee, Wararka laga helayo Weriyeyaasha ku sugan magaalada Burco, rasaasta ayaa la sheegay inay rideen ciidamada Ammaanka ee garoonka ku sugnaa iyadoo sidoo kale ay garoonka goob-joog ku ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire iyo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire.

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com
Hargeysa/Somaliland