Burco: Ciidammada Ammaanka oo Gacanta ku dhigay Dad looga shakiyey falal Argagixiso

Burco (SLpost)- Ciidammada Amaanka, ayaa Shalay Duhurkii Magaalada Burco ku qabtay Dad looga shakiyey inay qorshaynayeen Weerarro Qaraxyo oo ka dhan ah Amniga Somaliland.

Ciidammada sida gaarka ah u Tababbaran ee loo yaqaano RRU, ayaa Gacanta ku dhigay Laba Nin Iyo Gabadh la sheegay inay siteen Walxaha Qarxa.

Ciidammada oo hawl-gal sameeyay ka dib markii ay heleen xog la xidhiidha saddexda Qof ee la xidhay iyo waxyaabaha ay siteen, ayaa ku guulaystay inay Qabtaan 3-da Qof iyo Wixii ay siteenba.

Advertisement

Dadka la qabtay, ayaa la sheegay in laga soo qaaday Magaalada Burco oo lagu qabtay, loona soo dhaadhiciyey dhinaca Magaalada Hargeysa.

Lama sheegin Saddexda Qof inay yihiin Muwaadiniin u dhashay Somaliland iyo inay yihiin kuwo meel ka soo jeeda, kuwaasi oo doonayey inay dhibaato ka geystaan Magaalooyinka Somaliland inta lagu mashquulsan yahay xuska 18-ka May.

Ciidammada Somaliland oo mar walba heegan ugu jira sugidda amniga, ayaa Maalmaha ay jiraan Xusaska Qaranka iyo Ciiduhu kor u sii qaada Hawlahooda sugidda Amniga.

Follow us On