Bulshada Rayidka ah ee Somaliland oo si Adag uga Hadashay Colaadda Ceel-Afweyn, Xukuumaddana baaq u diray

Hargeysa (SLpost)- Dalladda ay ku bahoobeen Ururrada Bulshada Rayidka Somaliland ee SONSAF, ayaa soo saaray baaq nabadeed ku wejahan colaadda ka soo cusboonaatay deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag oo ay ku dagaaleen laba beelood oo ood-wadaag oo wada-dega degmadaas.

 

SONSAF waxa ay dhinacyada ku dagaalamaya deegaankaas ugu baaqday inay sida ugu dhakhsaha badan u joojiyaan dirirta lagu daadinayo dhiigga shacabka walaalaha ah, waxaanay xukuumadda ugu baaqday inay qaaddo go’aamo deg-deg ah oo xididdada loogu siibo asbaabaha gun-dhigga u ah ee soo celicelinaya hurinta colaadda deegaankaas.

 

 

Sida lagu sheegay war-murtiyeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Dalladda SONSAF, Anwar Abdirahman Warsame, waxa ay Bulshada Rayidka ee Somaliland ugu baaqday xukuumadda inay si sal-ballaadh ah hay’adaha dowliga ah iyo kuwa amniga uga hawl-galiso gobolka Sanaag, isla markaana ay ka bilowdo mashaariic horumarineed oo bulshada deegaanka looga faa’ideeyo.

 

“Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay walaac wayn ka muujinayaan colaadda soo noq-noqotay ee Degmada Ceel Afwayn ku dhex maraysa Beelaha walaalaha ah ee degaankaas ku wada nool. Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ku baaqayaan in sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo cunfiga iyo dhiigga dadka walaalaha ah ee hawl yaraanta ku daadanaya.

 

Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, waxa ay u soo jeedinayaan Xukuumadda iyo Golayaasha Qaranka in sida ugu dhakhsaha badan xal loogu raadiyo caqabadaha salka u ah hurinta colaadda Ceel Afwayn.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka SONSAF.

 

SONSAF waxa ay war-saxaafadeedka ku sheegtay, “Bushada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ku adkaynayaan Xukuumadda in ay Xoojiso fulinta sharciga, oo hub ka dhigis iyo dhaqan celinba u samayso dhalinyarada hubaysan ee labada dhinac. Isla mar ahaantaana talaabo adag ka qaaddo cidkasta oo si toos ah iyo si dadbanba ugu lug leh colaadda Ceel Afwayn.

 

Bulshada Rayida ah ee Somaliland waxa ay rumaysanyihiin si loo helo nabad gelyo waarta oo ka hirgasha deegaanadaas waa in Xukuumaddu xoojiso joogitaanka hay’adaha Dawliga ah ee Deeganadaas, isla mar ahaantaana kor loo qaado adeegyada aasaasiga ah ee loo fidinayo dadyawga ku nool guud ahaan Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Ceel Afwayn.
Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay soo jeedinayaan in Xukuumadda Somaliland siyaasad cad oo dhaqan gasha ka yeelato lahaanshiyaha dhulka, kala xadaynta dhul daaqsimeedka iyo degsiimooyinka, korodhka magaalowga iyo khayraadka dabiiciga ah.”

 

“Bulsharada Rayidka ah ee Somaliland waxay ku boorinayaan Xukuumadda in ay ka hirgeliso deegaanadaas mashaariic horumarineed oo shaqo u abuuraya dhalinyarada Deegaankaas oo u baahan in loo abuuro yididiilo iyo Rajo nololeed oo ka joojisa in ay qayb ka noqdaan colaadda.

 

Ugu dambayn Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay ugu baaqayaan dhamaan wax-garadka, Aqoonyahanka, Culimada, Madax dhaqameedka, Dhalinyarada iyo Haweenka deegaankaas in loo hawl galo nabadgalyo waarta oo ka hirgasha Degmada Ceel Afwayn.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay SONSAF oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Warbaahinta Somalilandpost.net.

 

contact@somalilandpost.net