Borame: Shirweynaha Heer Qaran ee Qoondada Haweenka Somaliland oo la soo gebo-gabeeyey iyo Qodobbo ka soo baxay

 

Boorame (SLpost)- Magaalada Boorama gaar ahaan Hotelka Saw ee magaaladaasi waxa lagu soo gabo gabeeyey shirweynihii lagaga hadlayey arrimaha haweenka gaar ahaana kootada kuraasta golaha wakiilada iyo deegaanka, waxaana kulankaasi soo xidhay masuuliyiin ka tirsan xisbiyada qaranka iyo masuuliyiin ka socday dalada haweenka ee NAGAAD iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda shaqo galinta  arrimaha bulshada,  iyo qoyska Somaliland.

Shirkan oo soconayey muddo laba maalmood ah shirka oo uu  furay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa waxa lagaga hadlay sidii la isaga xil saari lahaa in haweenku kuraas gaar ah ku yeeshaan goleyaasha deeganka iyo wakiilada Somaliland, isla markaana ay ka qayb galaan arrimaha siyaasadda waxaana intii kulankaasi socday lagu lafo guray caqabadaha haysta haweenka iyo sidoo kale  hanaanka looga gudbi karo.

Guddoomiye ku xigeenka dallada haweenka ee NAGAAD Khadra Cumar Xasan iyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga 3aad talada haya ee Kulmiye Xusen Aadan Cade, xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa oo ka mid ah xubnaha loo xil saaray kootada haweenka ayaa waxa ay dhamaantooda waxa ay halkaasi ku soo bandhigeen hanaanka haweenku uga qayb gali karaan siyaasadda dalka, isla markaasina ay u heli karaan kootada kuraasta haweenka ee goleyaasha deegaanka iyo wakiilada.

Guddoomiye ku xigeenka dallada haweenka ee NAGAAD Khadra Cumar Xasan oo khudbad halkaasi ka jeedisay ayaa waxa ay tidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca haweenka ee dallada isku xidhka haweenka ee NAGAAD, aniga oo ku hadlaya cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan maanta sida aynu hawshan u gaadhaynaa waa wax inoo wada taala, haddii ay Baarlamaan tahay iyo haddii ay Somaliland tahay”.

“Dhamaantiin waad mahadsan tihiin sida aad uga qayb qaadateen, mararka qaarkood waxa ay ahayd waxaan lagaba doodi Karin, se maanta meel fiican ayeynu maraynaa inaynu ka doodno” ayey Agaasimaha Waaxda jinsiga ee Wasaaradda Shaqo Galinta Qoyska iyo Arimaha Bulshada  Marwo Luul Aadan Geedi.

Xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waa ay dhaaftay xiligii cuqaashu arrimaheena goyn lahaayeen ee la odhan lahaa waa dumar, markaa waxaan leeyahy haweenku dib ha iskugu noqdaan”.

Dawladdu way gudbisay cidwaliba way gudbisay baarlaamaankuna wuu shaqynayaa hawshaa insha allaahu tacaalaa way dhamaanaysaa. Marka ay dhamatana hawlbadana ayaa inoo taal, ayuu yidhi Xuseen Aadan Cade Guddoomiye ku xigeenka 3ad ee xisbig kulmiye oo soo gabogabeeyay kulankaasi.

DAAWO SAWIRRADA SHIRWEYNAHA QOONDADA HAWEENKA