Boqortooyada Sucuudiga oo Dib u Soo Celisay Xoolo Somaliland uga dhoofay iyo Sababta

 

Hargeysa (SLpost)- Markab ay saaran yihiin tiro ku dhow 20 kun neef oo xoolo ah, ayaa ku soo wejahan Dekedda Berbera, kaddib markii ay Dowladda boqortooyada Sucuudigu amartay in dib loogu celiyo Dekedda Berbera oo markii hore laga raray.

Sababta keentay in xoolaha la soo celiyo waxa si faahfaahsan uga hadashay Xukuumadda Somaliland oo xaqiijisay in dawladda Sucuudigu ay dib usoo celisay markabkaas oo siday todoba iyo toban Kun oo Adhi ah.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga, Siciid Sulub Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Markabkaasi lagusoo celiyey Xanuuno yaryar oo xoolaha laga helay kuwaasi oo ah Finan yaryar oo kasoo baxay afka iyo qaybaha jidhka .

Wasiir Siciid Sulub waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan buuxiyeen dhammaan shuruudihii uu Sucuudigu ku xidhay Xoolaha ka dhoofaya dekedda Berbera.

“Markab ka mid ah maraakiibta xoolaha qaaday mid ka mid ah waa lasoo celiyey , wasaarad ahaan dadaal badan ayaanu galnay sida hubinta Caafimaadka iyo shuruudaha Sucuudigu ku xidhay xoolaha dhammaan waanu buuxinay” sidaas ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub.

Xoolahan oo markii hore ka dhoofay Dekedda Magaalada Berbera isla-markaana gaadhay dalka Sucuudiga, ayaa dib loo soo celiyey, iyadoo markabku xilligan ku soo jeedo dhinaca dekedda Berbera.

Somalilandpost.net