Boqortooyada Sucuudiga oo $3 Bilyan iyo Qiimo-dhimis Shidaalka ah ugu Yaboohday Waddanka

Hargeysa (SLpost)- Boqortooyada Sucuudiga, ayaa waddanka Pakistan ugu yaboohday inay siiyo taageero dhaqaale oo dhan 3 Bilyan oo Dollar muddo hal sanno gudaheeda ah isla markaana ay qiimo-dhimis ugu samaynayso Shidaalka dalkaas loo dhoofiyo si ay uga caawiyaan qalalaasaha dhaqaale ee haysta, sida ay shaacisay dowladda Pakistan.

Saudi Arabia King SalmanHeshiiskan ayaa ka dambeeyey kaddib markii raysalwasaaraha cusub ee Pakistan, Imran Khan, uu ka qayb-galay Shir-weyne Maalgeshi oo Sucuudigu soo qaban-qaabiyey, kaas oo ay ka-qayb-galkiisa ka baaqdeen madax tiro badan oo caalamka ah sababo la xidhiidha Dilka suxufi u dhashay Saudi Arabia oo lagu khaarajiyey dalka Turkiga.

Dhaqaale la’aanta soo waajahday dalka Pakistan, ayaa yimi kaddib markii qiimo-dhac ku yimi lacagta waddankaas marka la barbar-dhigo Isku-beddelka lacagaha Qalaad iyo keydka u yaalla dalkaas si loola tacaalo qiimo-dhacaas, waxaanu reysal-wasaare Khan ku adkaystay in waddankiisa ay ka go’antay sidii uu taageero dhaqaale uga heli lahaa waddamada Qaniga ah ee ay saaxiibada yihiin.

Sidoo kale, waxa qalalaasaha Dhaqaale ee Pakistan wax ka qabashadiisa ka qayb-qaadanaya hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo lacago amaah ah siinaya dalkaas, Sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan Asad Umar oo bishan horaanteedii wada-hadallo iyo qiimeyn u kuur-gal ah ka dalbaday hay’addaas.

Raysal-wasaaraha dhawaan la doortay ee Pakistan, ayaa la filayaa inuu sidoo kale socdaal ku tago dalka Shiinaha todobaadka soo socda.