Riyaadh (SLpost)- Dawladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa shuruudo hor leh ku xidhay Xujaajda Soomaalida iyo Kiiniyaatiga isugu jira ee sannadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka.
Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Sucuudiga, ayaa soo saartay go’aamo ku waajibinaya Xujaajka sannadka gudanaya Xajka (Haj Season) ee ka tagaya waddamada Soomaaliya, Somaliland iyo Kenya inay dalalkooda isaga soo tallaalaan Cudurka halista ah ee Dabaysha isla markaana ay sitaan shahaado muujinaysa in lix todobaad ka hor ay qaateen tallaalka Cudurkaas Dabaysa, waxaana tallaaban go’aan lagu sababeeyey ka dib markii ay ogaadeen in Cudurka Dabayshu (Polio) uu ka dillaacay waddamadaas.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka boqortooyada Sucuudiga oo u warramay Arab News, ayaa yidhi, “Xujaajtani (Soomaalida iyo Keenyaanka) waxa ku waajib ah inay sitaan Shahaaddda tallaalka dabaysha marka ay Dekedaha iyo Madaarrada ka soo degayaan oo laga hubinayo,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray inay waajib tahay qaadashada tallaalku lix bilood ka hor wakhtiga ay dalkaas tagayaan.
Wasaarada Caafimaadka Sucuudigu waxa ay sheegtay in marka ay yimaaddaan dalka Sucuudiga ay Xujeydu qaadan doonaan Daawooyin la xidhiidha ka hortaga cudurka Dabaysha. “Marka ay sidaas u yimaaddaan Xujayda waddamadani waxa ay mar kale qaadan doonaan Daawada ka hortagga Cudurka Dabaysha iyada oo aan da’dooda loo eegayn,” ayuu yidhi Sarkaalka ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Sucuudigu.
Sarkaalkani waxa uu sheegay in Wasaaraddooda Caafimaadku ay indha ku hayso dhacdooyinka ugu dambeeyey ee heerka adduunka ay ka marayaan cudurrada faafa isla markaana ay ku hawlan yihiin dedaallo lagu xakamaynayo muddada lagu gudo-jiro Gudashada Xajka iyo Cumrada oo dalkaas ay sannad kasta u tagaan malaayiin qof oo Muslimiinta adduunka ah.
Marka laga yimaaddo Cudurk Dabaysha, xannuunada kale ee bartilmaameedka u ah wasaaradda Caafimaadka Sucuudiga, wax ka mid ah Jadeecada, Hargabka iyo Meningitis.
Go’aanka dawladda Sucuudigu ku soo rogtay Xujayda dalalka Somaliland, Somaliya iyo Kenya, ayaa loo daliishaday Qawaaniin lagu karantiimaynayo caafimaadka qoka Socdaalka ah ee dalkaas u safraya, kaas oo la sameyey sannadkii 2005-tii. “Iyada oo la tixgelinayo qawaaniinta loo jeediyey Caafimaadka sannadii 2005, dhammaan dadka ka imanaya waddamada ama meelaha khatarta u ah inuu soo gaadho cudurka Jadeecadu, waxa ku waajib ah inuu sito shahaadada tallaalka Jadeecada oo aan wakhtigeedu dhicin, taas oo tusaysa in qofku daawada qaatay ugu yaraan toban maalmood ka hor ama ugu badnaan toban sanno ka hor inta aanu xuduudka ka soo tallaabi,” ayaa lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta Internetka ee Wasaaradda Caafimaadka Sucuudiga. “Haddii la waayo shahaadadan oo kale, muddo lix maalmood ah ayaa qofka lagu haynayaa meel gaar ah laga soo bilaabay wakhtigii la siiyey daawada ama wakhtigii u dambeeyey ee qofka uu xanuunku asiibay,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.
SOMALILANDPOST.NET
contact@somalilandpost.net