Boqorkii Cuudka Soomaalida oo London Geeriyooday iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Taariikhdii Axmed Ismaaciil Xudeydi

 

Hargeysa (SLpost)- Allah naxariistii Janno hawgu deeqo’e waxa xalay magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) oo maalin mug leh ka soo qaatay koboca Fanka Soomaaliyeed.

Marxuum Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) oo caan ku ahaa tumista Cuudka, waxa geeridiisa ka hadlay madaxweynaha Jamhhriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo umadda Soomaaliyeed ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu si qoto-dheer uga hadlay shaqsiyaddii iyo doorkii uu marxuumku ka soo qaatay fanka iyo suugaanta Soomaalida.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Boqorkii Cuudka Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi” oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 07/08/2020, dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay fanka iyo suuganta oo uu ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay fankii hore iyo kan casriga ahba, isagoo ku soo galay da’da 18 sanno jir, kana bilaabay magaalada Cadan ee dalka Yemen, maantana uu da’a 92 sanno jir ku hoyday, waxaanu ka mid ahaa dad fara-ku-tiris ahaa oo ay ka mid ahaayeen, abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed) abwaan Cabdilaahi Qarshe, iyo macalinkiisi Cabdi Xandule Shanle oo wax ka bedelay kagana tegay taariikh suugaanta.

Waaxaanu ku dhashay magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, 1928-kii, waxaanu door weyn kulahaa halgankii xornimo doonka ee 1960 ay Somaliland maxmiyadii boqortooyada ingiriiska kaga qaadatay xornimadeeda, isagoo ku suntan taariikho badan oo ma guuraan ah marxuumku.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Somalilandpost.net