Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye oo Xubin ka Noqday Guddi lagu Doortay Shir Caalami ah oo Qaramada Midoobay soo Qaban-qaabisay

“23-kaas Sano ee ay jirtay Somaliland Calankeeda lama hor dhigin Qaramada Midoobay, anigana waxa nasiib-wanaag ii ah inaan Hordhigo Calanka Somaliland”

Hargeysa (SLpost)- Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye ee Somaliland Boqor Axmed Ugaas Iimaan Warsame, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qayb-galay shir-caalami ah oo lagaga arrinsaday Xuquuqda dadka laga tira-badan yahay ee Adduunka.

Boqor Axmed IimaanBoqor Axmed Ugaas Iimaan oo war-fidiyeennada garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dib markii uu maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay in shirkaas lagu doortay guddi ka kooban 13 qof oo uu xubin ka yahay, kuwaas oo loo xil-saaray inay daraasadeeyaan kor loogu qaadi karo Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

Boqor Axmed oo sharraxayey ujeeddada shirka loo qabtay, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Safarkii aan u baxay ee Aan ku gaadhay Jiniifa waxa uu ahaa Shir Loo qabtay Dadka May-nooratiga Adduunka oo dhan oo cid waliba ku jirtay, nasiib wanaag Somaliland Aniga ayaa ka tagay, Xamar Dumar ayaa Ka yimid, shirkana waxa daadihinayay Dr Naasir Maxamed Ciise iyo Rashiid Baaruud, waxa uu ahaa shir markii ugu Horaysay caalamka oo dhan dadka May-nooratiga ah Loo qabto Sidii Xuquuqdooda loogaga hadli lahaa Si fiicana Shirkaasi wuu u dhacay,” ayuu yidhi Boqor Axmed Ugaas Iimaan.

“Beesha Aan kasoo jeedo iyo Kuwa Qaarada Afrikaba waxaan odhan karaa maanta Caalamka ayay wax la qaybsadaan markaan ka hadlayo Geeska Africa, laakiin Somaliland oo kaliya kama hadlayo, dadka May-nooratiga ah Adduunka oo dhan ayay ku noolyihiin taasna guul ayaanu kala soo kulanay, waxaana la sameeyey guddi ka kooban 13 Xubnood, waxaanan nasiib u helay inaan Xubin Ka noqdo gudidaas caalamka oo dhan ka kooban,” ayuu yidhi Boqor Axmed.

Boqor Axmed waxa uu sheegay inuu Somaliland u metalayey dadkii ka qayb-galay shirkaas oo isaga kala yimi caalamka guud ahaan dadka laga tirada badan yahay, waxaanu yidhi, “Shirkaas waxa isugu timid Boqol iyo labtaan dawladood wakiiladooda, waxa dal walba la hor dhigay oo yaalay Calankooda, markaan sidaas arkay, ayaan ana is idhi Somaliland ayaa ka timide maxaad adna Dhigtaa Meesha, astaantii Somaliland ayaan Soo qaaday, calaamaddiina waan baadhay waxaan ka helay dalka NewZealand, markas intaan Laantii Soo jartay ayaa is hor dhigay markaas ayay Noqotay Somaliland.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “23-kaas Sano ee ay jirtay Somaliland Calankeeda lama hor dhigin Qaramada Midoobay, anigana waxa nasiib-wanaag ii ah inaan Hordhigo Calanka Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Boqor Axmed Ugaas IImaan.

SOMALILANDPOST.NET