Boqor Buurmadow Oo Bayaamiyey Burjiga Guusha Doorashada, Baylahda Qaranka iyo Boogaha Mucaaradka

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa sababihii horseeday inay ciidamada Qaranku ka soo baxaan Bariga gobolka Sool ku sheegay kaddib markiiay taageero ka waayeen qaybo ka mid ah bulshada oo isagu ka mid yahay.

Boqor Buurmadow oo maanta ka hadlay munaasibad qado-sharaf ah oo lagu maamuusay, wuxuu sheegay inay ciidamada Qaranku bariga Gobolka Sool kula dagaalamayeen beelweynta Daarood oo isu-habar Wacatay, dhaawacii ka soo gaadhay ka soo bixistii gobolkaasna aan lagu eedayn karin cid gaar ah.

Advertisement

Follow us On