Boqor Buur-madow oo Raalli-gelin Cidna aanu ku metelin Hawada u mariyey Madaxweynaha Jabuuti

Hargeysa (SLpost)- Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa Raalli-gelin aanu cidna ku metelin ka bixiyey eedaymo uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID u jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo Toddobaadkan la hadlay Saxaafadda, ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku eedeeyey inuu cadow ku yahay Somaliland iyo jiritaankeeda, sidaasi darteedna aanay diyaar u ahayn in Jabuuti lagu qabto Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Boqor Buur-madow oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Jabuuti Xaal iyo Raalli-gelin ka siinayo hadalka Faysal Cali Waraabe, kana xun yahay in dad reer Somaliland ahi aflagaaddo ku weeraraan hoggaamiyaha Jabuuti.

Boqor Buur-madow oo saxaafaddu weydiisay cidda uu ku metelo raalli-gelinta iyo inuu ogolaansho uga haysta cidda hadalkiisa xaalka ka bixinayo, waxa uu sheegay inuu Faysal Cali Waraabe ku metelo raalli-gelinta uu bixinayo.

Warkan oo Faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose