Boqor Buur-madow oo ka hadlay dilkii Saraakiisha Ciidanka Qaranka iyo Mudaharaadkii Gabiley, Jamaal Cali Xuseen-na si qaawan u weeraray

Hargeysa (SLpost)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo ka tirsan Madaxda Dhaqanka Somaliland, gaar ahaan Bariga Burco, ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay dilka laba Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Qaranka Somaliland oo habeenkii Arbacada ee todobaadkii hore Askari Dable ahi ku dilay xero ciidan oo ku taala duleed magaalada ee gobolka Buuhoodle.

Waxa kale oo uu Buur-madoow ka hadlay Mudaharaad ka dhan ahaa dilka Saraakiishaas oo Jimcihii ka dhacay magaalada Gabiley oo dhimashada hal qof iyo dhaawaca 13 qof sababay, waxaanu soo jeediyey inaan qaddiyadda dilkaas la siyaasadaynin.

Sidoo kale, Boqor Cismaan wuxuu ka digey in Arintan la siyaasadeeyo, waxaanu been iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu sheegay inuu ka soo yeedhay rag ka tirsan xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, kuwaas oo uu xusay inay Beel u dacal saareen Falkaasi.

HALKAN KA DAAWO