BOORAMA: Sixiroole Afar Gabdhood oo UGUB ah qudha uga jaray si uu u Caafimaado oo go’aan ka gaadhista Kiiskiisu dhextaallo dawladaha Somaliland iyo Ethiopia

Afarta Gabdhood ee Ninkani Dilay, ayaa dhammaantood u dhashay Beesha Ciise ee degmada gobollada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Selal ee Somaliland

Boorama (SLpost)- Gacan-ku-dhiigle ku shaqaysta Faalka iyo Sixirka isla markaana loo malaynayo inuu xannuunsanayo, ayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ugu xidhan Afar Haween ah oo  uu siyaabo kala duwan ugu dilay deggaanno ka tirsan gobolka Selal ee Somaliland iyo gobolka Shinniile Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

EESaddex ka mid ah haweenka waxa uu ninkani ku dilay deegaannada gobollada Shinniile ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halka haweenayda Afraadna uu ku dilay gudaha Somaliland oo uu soo baxdsaday, gaar ahaan degmada Saylac ee gobolka Selal, waxaana wakhtiga go’aan ka gaadhista dawcwaddiisa dhex-taallaa dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Haweenka uu ninkani Qudha ka jaray oo dhammaantood ahaa UGUB (Hooyo ilmaheedii u horeysay ku curatay) , waxaana sababta uu u bartilmaameedsaday lagu sheegay inuu ahaa isaga oo Sixir iyo Fal adeegsanaya in loo sheegay in Caafimaadkiisu ku jiro Haween Ugub ah oo uu qudha ka jaro.

Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanta Awdal oo dhowaan hawl-shaqo ku tagay gobolka Salal oo maxkamaddu xukunno kala duwan ku ridday laba maxbuus oo laga qaaday gobolka Awdal, waxa uu ka sheekeeyey kiisas loo haysto gacan-ku-dhiiglahan oo u dhashay dalka Itoobiya.

Waxa uu sheegay in dhagar-qabahan oo hadda ku xidhan xabsiga magaalada Boorama isla markaana uu yahay dadka ku shaqaysta Sixirka uu wakhtigan kiiskiisu ka dhexeeyo dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Isaga oo sharraxayay Maxbuuskan oo nooca dambiga loo haysto, waxa uu yidhi, “Maxbuuska koowaad afar hablood oo ugub ah ayuu qudha ka jaray, waa dadkan faalku wax u sheego ee la yidhaahdo waad ku bogsanaysaa haddaad intaas oo qof dishid. Saddex wuxuu ka fuliyey dhulka Ciisuhu deggen yahay ee Itoobiya, isaguna halkaasuu ka soo jeedaa, ta afraadna wuxuu ka fuliyey Somaliland.”

Guddoomiyaha Maxkamaddu waxa uu sheega in faldambiyeedka ninkani ka geystay deegaanka dalka Itoobiya ee uu ka soo jeedo uu dhibaato u soo jiiday xubno ka tirsan qoyskiisa oo lagu qaaday Xeerka ay ku dhaqmaan beelaha Ciise oo ku nool waddamada Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti.

“Saddexdii uu xaggaas Itoobiya ka soo fuliyey, waxaanu maqallay laba nin oo midna ay walaalo yihiin midna ay ilmaadeer yihiin in loo dilay oo Xeer Ciise lagu qaaday, markaa taasi xaggaa way ka dhammaatay, in kasta oo la sheegay in dawladda Itoobiya meeshii timi oo dadkaa Maxkamadda samaystay Jeelka laga buuxiyey,” ayuu yidhi Guddoomiyaha oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiikiisa Boorama.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay wakhtigan inay ku hawlan yihiin wada-shaqayn iyo xidhiidh ay la sameeyeen dawladda Itoobiya, isla markaana lagu go’aamin doona xukunka fal-dambiyeedka loo haysto.

“Hadda ta taagani waxay ahayd gabadhaas uu gudaha Somaliland ku dilay, maxbuuskaas isaga waanu ka tagnay maadaama laba dawladood dhexdood uu ku jiro. Waxaanu go’aansannay inaanu soo waraysanno deegaankii Xaggaas Itoobiya, masuuliyiintii iyo booliskii soo qabtay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Awdal oo shalay warfidiyeennada kula hadlay xafiiskiisa magaalada Boorama.

SOMALILANDPOST.NET