Boorama: Dad Loo Xidhxidhay Nin Lagu Eedeeyay Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Boraama, (SLpost)- Ciidamada Ammaanka gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, ayaa xabsiga u taxaabaya isla markaana baadhis ku wada Gabadh ay walaalo yihiin Nin dowladda Soomaaliya ku xidhiidhisay inuu fuliyey Qarax khasaare badan geystay oo lala beegsaday Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya, ayaa todobaadkii hore shaaciyey haybta nin isku qarxiyey Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu sheegay inuu ka yimi dalka Jarmalka, balse dhalasho ahaan uu ka soo jeedo gobolka Awdal ee Somaliland. Waxa kale oo ka horreeyey nin dhalinyaro ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal, kaas oo dowladda Soomaaliya ku dartay liiska shakhsiyaad ay madaxooda dul-dhigtay lacag fara-badan, haseyeeshee ninkan dhalinyarada ah oo warbaahinta la hadlay, ayaa iska foogeeyey eedaynta dowladda Soomaaliya dusha ka saartay.

Lama oga cidda la soo xidhiidhay ee Amarka ku siisay Xukuumadda Somaliland daba-galka ninka iyo ehelkiisa, haseyeeshee, waxa ay ciidamada Ammaanka ee magaalada Boorama Xabsiga u taxaabeen haweenay ay walaalo yihiin ninka falkaas lagu xidhiidhay, taas ciidamada Booliska xabbiseen dhowaan, balse lama oga in haweenaydaas xorriyadeeda loo soo celiyey iyo in kale.

Haseyeeshee, dhacdadan, ayaa tuhun badan galisay bulshada gobolka, waxaana habeennadii u dambeeyey deegaanno ka tirsna gobolkaas dul-haadayey diyaarado joog-hoose ku duulaya oo lagu xidhiidhiyay inay wadaan hawl-gallo ay cid gaar ah ku baadi-doonayaan iyo hadalka dowladda Soomaaliya ka soo yeedhay. Diyaaradahan, ayaa sidoo kale lagu arkay deegaammo ka tirsan gobolka Maroodijeex, gaar ahaan degmada Fara-weyne.

Haddaba, waxa arrimahan ka hadlay Sheekh Cali Diheeye ka mid ah culimada magaalada Boorama, waxaanu dhaliilay xil-gudashada hay’adaha ammaanka. “Sheekooyinka anigu aan maqlayo Nin baa Xamar Huteel qarxiyey baa la yidhi maalmihii innaga tegay, Reer Boorama ayuu noqday baa la yidhi. Waxa shalayto (dorraad) la ii sheegay Gabadh Dhakhtar ka shaqaysa oo ay ninkaa walaalo yihiin, in Katiinado Saldhigga lagu geeyey, lagu dhibay oo lagu hayo (Saldhigga Booliska Boorama). Aniga iyo Inankaygu waxaannu yeelan karnaa laba fikradood oo iska soo horjeeda,” sidaa ayuu yidhi Sheekh Xasan Diheeye oo khudbad ka jeedinayey mid ka mid ah masaajiddada magaalada Boorama.

Waxaanu Sheekh Diheeye oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray; “Masalan hadduu Inanku gaalnimo doorto, Aabbihiina Muslim yahay, ma Odaygaa loo qabanayaa. ILLAAHAY waxa uu innoo sheegay in Aabbuhuna dembigiisa leeyahay, Wiilkuna dembigiisa leeyahay, haddii qofka qofka ehelkiisa ah ama uu la dhashay waxa uu geysto looga jarayo Nebiyullaahi Nuux (C.S) iyo Inankiisii baa la is-raacin lahaa. Anigu waxaan tooyday oo aan idhi Inankani xagguu ka dhoofay, ma Boorama, ma Jabuuti, ma Xamar markii hore? Waxa la ii sheegay inuu ka dhoofay Liibya oo dad Liibiya marka horeba ku dhashay oo ku koray inuu ahaa, markaasaa gobolka Awdal lagu wada qaadayaa. Qofka dembiga uu galay cidina ka dul-qaadi mayso, laakiin qof ay ehelkiisa ah baa dhibtaa geystay oo loo qabanayaa ama loo dilayaa wax bannaan maaha.”

Sheekh Xasan Diheeye waxa kale oo uu ka hadlay diyaarado uu sheegay inay argaggax-geliyeen dadka Xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka Weeraar ee gobolka Awdal, waxaanu yidhi; “Anigu reer baan ku leeyahay meel Weeraar la yidhaahdo oo Buurahaas madmadoow ah, Abaar baa na haysa oo dadkaasi biyo ay cabbaan bay la’yihiin, meel yar oo Riig ah oo aannu beri dhawayd qoday oo qolo reer Hargeysa ahi naga caawisay ayaa dadkii Buuraha oo dhami isugu yimi oo Harraad baa kax la yahay. Haddana, Raxan Diyaarado ah baa shalay (dorraad galab) soo martay baa la leeyahay oo Dameerihii firxisay oo Carruurtii iyo Xoolihii hadhayey firxisay, ninkii ii sheegayey wuxu yidhi; Diyaaradahaasi Geedka dheerna way ka hooseeyaan, Geedka gaabanna way ka sarreeyaan macnaha dhulkay dul-marayaan. Markaa, waxaan weydiinayaa dawladda Somaliland ciddan cadawga ah ee dalka laga ilaalinayaa ma dadkan masaakiinta ah ee biyo la’aantu haysaa mise waa annagan masaakiinta ah ee suuqyada iska joogna?”
“Dawladda waxaan leeyahay haddii waddanka ay ka ilaalinayso uun dadkiisa faa’iido allaala faa’iido ay leedahay ma jirto, Shiine ayaa dhulka sidaa u wareegaya oo Macdanta guranaya oo Adhi-jirtu taqaannaa oo ay Chinahaa u soo guraan, kuwa Hargeysa joogaanna lacagtuun bay ka guranayaan oo iskala dhoof bay leeyihiin, anigu waan arkay oo waan weydiiyey iyagoo Kiish Lacag ah iska sita oo Laangaruusal lagu wado. Dawladdii waxan ilaalin lahayd meeday, Aniga (Sheekh Xasan Diheeye) ayey ilaalinaysaa oo muxuu yidhi-daa haysaa, waxaan idhi waanigaa idhi.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Xasan Diheeye oo Muxaadiro ka jeediyey Masjid ku yaalla magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaanu soo jeediyey in waddaniyadda la ilaaliyo.
Dhinaca kale, Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Wargeyska Himilo xalay khadka telefonka ku weydiiyey jiritaanka gabadha loo xidhay dhacada, ayaa xaqiijiyey in ciidamada Ammaanku baadhis ku hayaan gabadha, marka ay baadhistu dhammaatana layska sii deyn doono. “Inantaasi way jirtaa, ciidamada ammaanka ayaa qabtay, baadhis-na way ku socotaa hadda.” Ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax.

Badhasaabka oo aanu weydiinnay Ujeeddada Diyaaradaha ay dadweynaha abaaruhu saameeyeen ee gobolka Awdal Cabashada ka muujiyeen iyo in hawl-galkoodu la xidhiidho Dad u dhashay Somaliland oo dowladda Soomaaliya falal argigixiso ku eedaysay, waxa uu gebi ahaanba ka gaabsaday inuu arrintaas ka hadlay, isagoo ku gaabsaday in wasaaradda Daakhiligu hore uga hadashay arrintaas, isaguna aanu xiligan diyaar u ahayn ka-hadalkeeda.

“Arrintaas kama hadlayo oo masuuliyiinta iga sarreysaa ka hadashay, laakiin waxaan kuu sheegayaa ammaanka gobolku meel fiican ayuu marayaa, marka laga reebo abaarta gobolka ka jirta oo dad iyo duunyabada halis ugu jiraan,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo khadka telefonka ugu warramay Weriye ka tirsan Himilo.
Warka dowladda Soomaaliya ku shaacisay in weerarkii todobaadkii lagu qarxiyey Hotel Jaziira uu fuliyey nin u dhashay Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal, waxa ay mar labaad ku eedaysay inuu hagayey isla markaana uu weerarka ka dambeeyey nin lagu magacaabo Cabdinaasir Buuni oo dowladda Soomaaliya hore ugu dartay liiska shakhsiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo madaxooda lacag la dul-dhigay.
Muwaaddinka reer Somaliland ee Boorama ku sugan ee markii labaad ay dawladda Soomaaliya ku eedaysay inuu Al-Shabaab ka tirsan yahay, isla markaana dusha ka hagayey weerarkaas, ayaan weli ka hadal eedda markii labaad loo soo jeediyey. Balse markii hore ee ay Soomaaliya liiska 12 ka ruux ku soo dartay oo ay sheegtay inuu yahay Sarkaal Al-Shabaab u qaabbilsan soo ururinta Lacagaha Carabaha, Ganacsatada, Hay’adaha iyo Ururrada, wuu iska difaacay eeddaas, wuxuuna sheegay inaanay waxba ka jirin eedaynta loo jeediyey.

Source: Himilomedia