Booliska Oo War Ka Soo Saaray Dil Uu Hargeysa Ku Geystay Nin Itoobiyaan Ahi

Hargeysa (SLPOST) – Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa War ka soo saaray Dil uu Hargeysa ku geystay Nin ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada Itoobiya ee Somaliland ku sugan.

War qoraal ah oo Boolisku baahiyey ayaa u qornaa sidan “Ciidanka Booliska JSL  ayaa Caawa gacanta ku soo dhigay Eedaysane ifsa Axmed Shariif oo ku Eedaysan ina uu dilay  Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq 22 jir.

Eedaysanahan ayaa ku eedaysan in uu ku dilay Marxuumka Feedh jilib uu ku dhuftay, Dilkan ayaa ka dhacay Huteel Guuleed Ee Magaalada Hargeisa hortiisa.

Ciidanka Booliska ayaa markii lagu soo war galiyey Dhacdada Dilkaasi ka Hawlgalay waxayna Saacado Gudahood ku soo qabteen Eedaysanaha Oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday.

Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku day amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya.

Ugu Dambayn Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood  ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan.”

Somalilandpost.net/Hargeisa OfficeÂ