Booliska Ingiriiska Oo Su’aallo Waydiiyey 10 Jir Muslin Ah Oo Erayga Terrorist (Argagixiso) Ku Khalday Eray Kale.

Hargeysa(SLpost)- Wiil 10 jir Muslim ah, ayaa ay su’aalo iyo baadhis ku sameeyeen ciimmada booliska waqooyiga Englan, kadib markii uu cashar Ingiriisi ah oo loo diray si khalad ah ugu qoray inuu ku nool yahay Guri argagixiso (Terrorist House) sida ay soo tebisay Wakaalada BBC-du.

Wiilkan yar, ayaa doonaayey inuu qoro inuu ku nool yahay guri beeralayd ah (Terrace house), balse ku khaldamay inuu qoro erayga keenay in boolisku baadhaan, kadib markii macallinkii wax u dhigaayey uu fahmi waayey in wiilku khadlay, warkiisana si deg deg ah booliska ugu gubiyey, isagoo raacay sharci cusub oo falalka argagixiso lagaga hortagaayo, kaasoo lagu dhaleeceeyo inuu ka dhan yahay bulshada Muslimka ah oo kaliya.

Ciidammada boolisku waxa ay warraysi la yeesheen wiilka yar, iyagoo baadhitaan ku sameeyey kombuyuutar guriga yaalay, qoyska wiilkan yar ka dhashayna waxa ay dalbadeen in raalligelin laga bixiyo falka lagula kacay oo ay bixiyaan booliska iyo dugsigaba sida BBC-du sheeegtay.

“Ilmaha in ay siday ku sameeyaan may ahay, waqtigan inuu wax qoro wuu ka cabsanaya,” ayuu yidhi nin ay ilmaha qaraabo yihiin oo BBC-da la hadlay.

Ilmahan yar magaciisa iyo haybtiisa dhabta ah lama baahin si loo ilaaliyo xuquuqdiisa carruurnimo, iyo in hortago in arrintan dhib u keento.